Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Maxaa Ka Danbeeya Warbixinnada Isku Dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga?

  Maxaa ka danbeeya warbixinnada isku dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga? Madaxweynihii xilkiisu dhacay Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyihii xilkiisu dhacay ee Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhowr wasiir oo federaal ah ayaa bixiyay bayaanno si dhow isugu dhow oo difaacaya Turkiga bishan, sida uu sheegay warbixin uu soo saaray Garowe Online . Bayaannadu waxay canaanteen dadka dhaleeceeya doorka Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo isticmaalay af isku eg oo ka soo baxay xafiisyo kala duwan. Bayaannadan waxaa ka horreeyay mudaaharaadyo iyo gubidda calanka Turkiga oo ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Mudaaharaadyadu waxay qarxeen ka dib eedeymo ah in diyaaradaha aan duulista lahayn ee Turkiga ay ku lug lahaayeen weerarro ka dhacay Doolow iyo meelo kale. Dhacdadii Doolow waxay ku wareegtay guriga taliyihii hore ee Ciidanka Dhowrsoonta Soomaaliyeed, Janaral Maxamed Cabdiraxmaan Shub. Maamulka Jubbaland waxay sheegeen in [laba ...

Nin gabar lix sanno jir ah afduub iyo kufsi isugu darey oo la xukumey.


 Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore oo loo heesto inuu afduub iyo kufsi u geystay gabar yar oo lix sano jir ah. 

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Dhoore uu falkan geystay 19-kii bishan August, isla-markaana uu ka dhacay  deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in gabadha uu falkaasi ka soo gaaray dhaawac xoog leh. Ugu horreyn xeer ilaalinta maxkamadda ayaa goobta ku soo bandhigtay qiraal laga qoray eedeysanaha iyo caddeymo kale oo muujinaya, sida uu falka u dhacay oo ay ka mid yihiin warqadda dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirrada goobta laga soo qaaday, iyada oo xeer ilaalinta ay dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.

Sidoo kale qareenada difaacayey eedeysanaha oo dhankooda ka hor hadlay maxkamadda ayaa ka dalbaday in eedeysanaha loo qafiifiyo xukunka , iyadoo la eegayo qiraalkiisa. Intaasi ka dib garoosraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay xukunka kama dambeysta ah ee kiiska Maxamed Cabdi Dhoore, waxaana lagu riday xukun dhan shan sano xabsi ah iyo sidoo kale bixinta labo halaad oo maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga gabadha.

Dhinaca kale ehellada gabadha yar ee dhibanaha ah ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay maxkamadda ka gaartay kiiskan oo marxalado & doodo kala duwan soo maray. Si kastaba gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal la xiriira kufsiga, waxaana kiiskan uu ka mid noqonayaa kuwa ay ku guuleysteen hay’adaha amniga iyo maxkamadaha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Khilaafka Koonfur-galbeed Soomaaliya

  Khilaafka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo Khatar ugu jira inuu isu beddelo Dagaal Beeleed Is-mariwaaga siyaasadeed iyo milatari ee ka jira Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal beeleed oo muddo dheer socda. Mashruuca Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED) ayaa ka digay in iska horimaadka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga mucaaradka uu khalkhal gelin karo gobolka Bay haddii aan xal loo helin. Warbixinta Somali Guardian 78 Iska Horimaad oo ka Dhacay Gobolka Bay Sida ay sheegtay ACLED, ciidamada federaalka iyo dagaalyahanno daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku lug yeeshay ugu yaraan 78 iska horimaad oo hubeysan gobolka Bay intii u dhaxaysay 2-dii Febraayo iyo 28-kii Agoosto. Dagaalladu waxay si weyn ugu urureen degmada Baydhabo, taas oo ka dhigtay magaalada iyo deegaannadeeda meel muhiim u ah xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya. Falanqaynt...

Maxaa Ka Danbeeya Warbixinnada Isku Dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga?

  Maxaa ka danbeeya warbixinnada isku dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga? Madaxweynihii xilkiisu dhacay Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyihii xilkiisu dhacay ee Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhowr wasiir oo federaal ah ayaa bixiyay bayaanno si dhow isugu dhow oo difaacaya Turkiga bishan, sida uu sheegay warbixin uu soo saaray Garowe Online . Bayaannadu waxay canaanteen dadka dhaleeceeya doorka Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo isticmaalay af isku eg oo ka soo baxay xafiisyo kala duwan. Bayaannadan waxaa ka horreeyay mudaaharaadyo iyo gubidda calanka Turkiga oo ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Mudaaharaadyadu waxay qarxeen ka dib eedeymo ah in diyaaradaha aan duulista lahayn ee Turkiga ay ku lug lahaayeen weerarro ka dhacay Doolow iyo meelo kale. Dhacdadii Doolow waxay ku wareegtay guriga taliyihii hore ee Ciidanka Dhowrsoonta Soomaaliyeed, Janaral Maxamed Cabdiraxmaan Shub. Maamulka Jubbaland waxay sheegeen in [laba ...

Sida uu sheegay Safiirka Mareykanka, Al-Shabaab waxay lumisay saddex meelood meel dhulkooda.

Howlgallada milateri ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in saddex meelood meel dhulkooda ay ku waayeen maleeshiyada. Sida uu ku sheegay Larry André email uu u diray VOA Somali, "Weerarada ay Somalidu hogaaminayso waxay dib ugu soo celiyeen madax banaanida Soomaaliya 1/3 dhulkii ay horay u maamuli jireen al-Shabaab." Waa in la joojiyaa xukun-ku-taagga al-Shabaab si ay Soomaaliya si buuxda uga soo kabsato. Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo bishii January waxa ay hub siineysay ciidamada qaranka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Danab, oo af-Soomaaliga macneheedu yahay “Biriqda”, waa guuto ciidan oo heersare ah, kuwaas oo hoggaaminayay duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana sidoo kale tababaray dowladda Mareykanka. Todobaadkan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay waxyeelo ba’an gaarsiiyeen ur...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Privacy Policy