Guddiga hirgelinta doorashooyinka FEIT ayaa ku dhawaaqday in ay bilaaban doonto bixinta shahaadooyinka aqoonsiga ee Xildhibaanada iyo Senatarada cusub Sabtidan Abriil 2
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa
sheegay in maalinta sabtida ah ee bisha April ay tahay 2 in warqadaha
aqoonsiga/shahaadooyinka la siin doono xildhibaanada iyo senatarada cusub ee
dhawaan lagu soo doortay magaalada Muqdisho.
Warqad kasoo baxdey FEIT ayaa
lagu yirri "Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu
ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax
bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay
yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM
(Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022."
"Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay."
The Federal Elections Implementation Team has announced that issuing official credentials/ certificates to the newly elected MPs and Senators will commence in #Mogadishu, on Saturday April 2.#Somalia pic.twitter.com/aJ2LlVGPvv
— SNTV News (@sntvnews1) April 1, 2022
Comments
Post a Comment