Aadan Madoobe ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Aadan Madoobe oo muddo dheer ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Guddoomiye cusub. 31-dii January 2007 ilaa 25 May 2010 waxa uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. Madoobe waxa uu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay December 29-kii, 2008 ilaa 31-dii January 2009.
Maxamed
Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, ayaa ka tanaasulay
Musharaxnimada xilkaasi. Sida ku cad gunaanadkii guddiga doorashada. Hadii
musharax helo 50+1 cod ah 139 ka mid ah wareegii koowaad, waxaa wareega labaad
u gudbi doona afar musharax.
Kalfadhiga
ayaa waxaa bilaabay guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka C/salaan Dhabancad,
waxaana soo xaadirey 257 xildhibaan, 17 ka mid ah ma aysan codeynin, maadaama
aysan wadan ID-kaarka aqoonsiga golaha.
A veteran MP, Adan Madobe was elected as the new Speaker of House of People of Federal Parliament. He became the Speaker of the TFG Parliament from 31 January 2007 – 25 May 2010. From 29 December 2008 to 31 January 2009, Madobe briefly served as acting President of #Somalia. pic.twitter.com/C4BCB453d8
— SNTV News (@sntvnews1) April 27, 2022
Comments
Post a Comment