Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland si uu uga qeyb galo shir muhiim ah loogu hadlaayo abaaraha ka jira Geeska Afrika.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u safray magaalada Geneva ee dalka
Switzerland, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo looga hadlayo
abaaraha ka jira Geeska Afrika. oo si gaar ah isha loogu hayo abaaraha
Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan
taabaneysa ka jeedin doona kulanka oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin iyo
wasiirro ka socda dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna kaga hadlayaa xaaladda
bini’aadantinimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaarta daran.
PM @MohamedHRoble has left today for Geneva to attend a major donor meeting on the #HornofAfrica's #drought crisis. The humanitarian situation is getting worse in Somalia as 6 million people are in crisis due to extreme drought.#Somalia pic.twitter.com/NPTNBUvj6O
— SNTV News (@sntvnews1) April 24, 2022
Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa sii kordhiyey
gaajada iyo nafaqa darada, iyadoo degmooyin ka tirsan gobolada koonfureed ay
gaareen heerar adag. Sida ay sheegtey OCHAsom, heerarka nafaqo-xumada ba'an ee
GAM oo ka badan 15% - ayaa lagu arkay 45 ka mid ah 74 degmo.
Soomaaliya, waxaa ka sii dareysa xaaladdaha bini’aadantinimo, iyadoo 6 milyan oo qof ay soo food saartay macaluul ka dhashay abaaro daran.Drought in Somalia has spiked hunger and malnutrition, reaching catastrophic levels in some districts in southern regions. Critical acute malnutrition levels - GAM above 15% - have been reported in 45 out of 74 districts, @OCHASom says.#Somalia pic.twitter.com/emJmarG5Nc
— SNTV News (@sntvnews1) April 24, 2022
Comments
Post a Comment