Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dadaalka ugu dambeeya ee lagu dhameystirayo hanaanka doorashada Soomaaliya.
In ka badan 91% kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la doortay. Kaliya Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaan wali la dhameystirin. Beesha caalamku waxay ku boorinayaan madaxda siyaasadda Soomaaliya inay helaan is-afgarad ballaaran.
War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen
saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Maamul Goboleedka
Hirshabeelle iyo Jubbaland oo kaliya ayaan wali soo dhameystirmin hanaanka
doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorrinaynaa inay sidaas sameeyaan si aan
dib-u-dhac lahayn, oo ay mudnaanta u siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama
maarmaanka ah si loo soo gabagabeeyo qabanqaabada doorashada - gaar ahaan
Jubaland - si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan
Baarlamaanka soo socda.
Waxaan ku ammaaneynaa dhammaan kooxaha hirgelinta
doorashada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka sida ay u soo gudbiyeen
dukumeentiyada kooxda hirgelinta doorashada federaalka (FEIT) iyadoo la eegayo
dhaarinta xubnaha cusub ee ay soo doorteen maamulada awooda u leh 14ka Abriil.
Waxaan ku boorineynaa in u diyaar garowga dhaarinta 14-ka April ay si degdeg ah
u socoto xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo
dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabeelle iyo Jubaland.”
In a joint statement, #Somalia's international partners have urged a final push to complete the country's #electoral process. https://t.co/m7XRSoEyf6
— SNTV News (@sntvnews1) April 5, 2022
Comments
Post a Comment