Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Muuse Geelle Yuusuf Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka socday guddiyada oo doorashooyinka kala duwan.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray doorashada xildhibaanada Jubbaland ee dhawaan ka dhici doonta degmada Ceel-waaq iyo sidoo kale sidii loo dardar gelin lahaa doorashada 16 kursi. Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Jubaland ay bixin doonto wixii taageero ah ee ay baahan yihiin gudiyadaasi.
The Chairman of Federal Elections Implementation Team Muse Gelle and officials from the Body have on Sunday arrived in #Kismayo to hasten the elections of 16 #Jubbaland’s remaining seats to House of People of Federal Parliament. The election will take place in El-Wak district. pic.twitter.com/bJ7zxM3B9I
— SNTV News (@sntvnews1) April 17, 2022
Comments
Post a Comment