Xilligii ay Soomaaliya xornimada qaadanaysay, ayaa waxaa la aas aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed 12-kii April 1960-kii, waxaana ciidankaas loo abaabuley tiro aad u yar, oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda. Sidoo kale Ciidanka Xooga Dalka xillagaa waxa lo orran jirey Libaaxyada Afrika.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tiradooda lagu
qiyaasayey 100-120 askari ayaa la aas aasay 8 qeybood oo ka tirsan Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed. Colaaddii Itoobiya la gashay 1977-dii waxay ahayd markii
ugu horreysay ee ay la dagaallamaan dal ay jaar yihiin.
Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi, Madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, Jeneraal Salaad Gabeyre,
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka mid ah
shaqsiyaadka ugu cadcaddaa ciidamada.
Soomaaliya waxaa sanad walba laga xusaa 12-ka April,
oo ah oo ah markii la aasaasay ciidammada Xoogga Dalka. Diyaargarow ballaaran
ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar.
Preparations for the event to mark the 62 Anniversary of Somali National Army’s foundation are well underway. Every year April 12, the Army celebrates its birth by conducting military parades and other festivals.#Somalia @SNAForce pic.twitter.com/zutRsR07cu
— SNTV News (@sntvnews1) April 11, 2022
Comments
Post a Comment