Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada oo uu ugu dambeeyay isku daygii lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-dii xildhibaan dhawaan lagu doortay Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa uga
digay Saraakiisha Booliska iyo Nabad Suggida inay ilaaliyaan xilliga doorashada
ay dhaceyso, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay il gaar ah ku
eegaan kuwa ka dambeeya qorshaha tillaabooyinka lagu carqaladaynayo gabagabada
doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa
uga mahad celiyay sida geesinimada leh ee Guddoonka KMG ah ee labada aqal ay u
wadaan doorashada mudadii ay doorashada socotay, waxaana uu kula dar daarmay in
ay howsha sii wadaan.
PM @MohamedHRoble has condemned attempts to disrupt elections and warned top security commanders to get involved in activities that could disrupt the election process. https://t.co/7tzNodLd7u
— SNTV News (@sntvnews1) April 25, 2022
Comments
Post a Comment