Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay weerarkii madaafiicda ahaa ee maanta lagu weeraray Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay mid argagaxiso oo la doonayay in lagu carqaladeeyo howlaha horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo
la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib
gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u
dhammaato”Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaarahadalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay
dadaalka Baarlamaanka ay ugu jiraan dhameystirka iyo dardargelinta
doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay shaqada adag ee
ay hayaan Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu ku amray Taliyeyaasha Ciidamada
Qalabka Sida in ay sii laba jibaaraan sugidda amniga iyo ka hortagga wax kasta
oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka, gaar ahaan xilliga doorashada.
Prime Minister @MohamedHRoble has strongly condemned today’s cowardly terrorist mortar attacks aimed at disrupting parliamentary session and intimidating the lawmakers. https://t.co/SWh9J9cJw7
— SNTV News (@sntvnews1) April 18, 2022
Comments
Post a Comment