Xubin ka tirsanaan jiray argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Fanax oo
ka howlgeli jiray Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, muddo 5 sano ah la
Shaqeeynayay Maleeshiyada Al-Shabaab, una qaabil sanaa jabhada ayaa isku soo dhiibey
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad Magaalada Baydhabo
ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed
Maxamed
Maxamuud Fanax oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa ku sheegey in argagixisada
dhibaato ku hayaan shacabkaSoomaaliyeed, isagoo sheegay in uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo
ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan taliska qeybta 60-aad ee Koonfur
Galbeed.
Saraakiisha Ciidanka XooggaDalka qeybta 60-aad ayaa soo dhaweeyay, waxaana ay ku dhiiri galiyeen xubnaha kale ee ka tirsan argagixisada in ay ku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga Dalka, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweyn doono.
Mohamed Fanah, a foreman of #Alshabab terrorists has on Wednesday surrendered to Somali National Army in #Baidoa town. Fanah who has been member of the terrorists for five years has denounced the group’s ideology and the violent extremism.#Somalia pic.twitter.com/YVXjNqsMGC
— SNTV News (@sntvnews1) April 13, 2022
Comments
Post a Comment