Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee billowday shahaado-siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Sabtidii lasoo doortay.
Sidoo
kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanadii ugu horeeyay ee
maanta shahaadooyinka helay, isagoo kalsooni ka muujiyay in la soo gaba gabeyn
doono abaal marinta iyo dhaarinta Xildhibaanada ka hor inta aan la gaarin
waqtiga kama dambeysta ah.
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadooyin rasmi ah ka qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
H.E. Prime Minister @MohamedHRoble congratulates FEIT for announcing the results of the elected MPs of the House of People & the Upper House in accordance with the electoral process agreed upon, urges them to adhere to the swearing-in Schedule of the MPs which ends on April 14. pic.twitter.com/Ms5xAXnDxM
— SomaliPM (@SomaliPM) March 31, 2022
Comments
Post a Comment