Kadib weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday fariisimaha ciidamada Muqdisho, waxaa xabsiga loo taxaabay saddex sarkaal.
Iyadoo lala xiriirinayo qaraxii ismiidaaminta ahaaee Isniintii ka dhacay xarun ciidan oo ku taal Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 askari, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 70 kale, ugu yaraan saddex taliye oo uu ka mid yahay kornayl milateri ayaa xabsiga la dhigay.
Sida ay wararku sheegayaan, iyadoo saraakiishu ay
sii kordhiyeen baadhista ay ku samaynayaan xaaladihii keenay dhacdadan, ayaa
laga yaabaa in dad badan la xidh-xidho. Ujeedada ugu weyn ee baaritaanka ayaa
ah in la ogaado cidda ka caawisay qofka isku qarxiyay goobta. Dadka la laayay
ee ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tababar u yimid magaalada.
Askarta ayaa waxaa la sheegay in la tirinayey halka ruuxa ismiidaamiyey uu isku
qarxiyey xilli ay saf ku jireen.
Walaac weyn ayaa laga muujiyay duruufaha ku xeeran
duulaanka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada. Gudoomiyaha Baarlamaanka
Somaliya, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ka mid ah dadka shakiga ku jira, waxa uuna
ku tilmaamay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Xerada Jaalle Siyaad uu ahaa mid
aad looga xumaado. Wuxuu ka codsanayaa Taliska Ciidanka Xoogga inay jawaab toos
ah ka bixiyaan.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax
hadal ah ka soo saarin dhacdadan ilaa iyo hadda oo aan warbixintan qorayo.
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sanadkii
hore waxaa laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya,
waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad huwanta ah, balse
maleeshiyaadku waxay sii wadeen howlgallada halista ah.
Comments
Post a Comment