Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay Isgooyska Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan. Qaraxa ayaa la sheegay in uu daba socday ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, xilli ay quracadii ka dib ku jireen safaf dhaadheer.

Labo sarkaal oo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 25 askari, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 70 kale. Saraakiisha ayaa codsaday inaan la aqoonsan maadaama aan loo ogolayn inay si cad ula hadlaan warbaahinta. VOA ayaa warkan loo sheegay. Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa sheegay in 24 ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo culus oo ka dhashay shilkaasi.

Ururka argagixisada ah ee loo yaqaan Al-Shabaab ayaa goor hore sheegtay mas’uuliyadda dhacdada. Ururka argagixisadu waxa ay soo saareen bayaan ay ku baahiyeen Telegram Messenger kaas oo ay ku sheegteen in mid ka mid ah ismiidaamiyeyaashiisa uu beegsaday askarta. Sida ay sheegeen Al-shabaab, qaraxaas waxaa ku dhintay 73-askari, waxaana ku dhaawacmay 124-qof oo kale; si kastaba ha ahaatee, lambarkan si madax banaan looma xaqiijin.

Sida uu sheegay sarkaalka, qofka is qarxiyay ayaa ku labisnaa wax u eg dhar ciidan. Lama oga sida ay ugu suuragashay in qaraxa uu ka dhaco mid ka mid ah xarumaha ciidamada ee ku yaala magaalada caasimadda ah oo loo arko in uu yahay midka ugu ammaanka badan.

Tiro aad u badan oo ka mid ah askartan ayaa ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar, waxaana loo aas aasay in lagu xasuusto dadkii ku dhintay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca qaaradda Afrika, kaasoo ka dhacay isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October 2017, waxaana ku dhintay ku dhawaad ​​600 oo qof.

Tan iyo bishii August, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto howlgalka wejigiisa labaad si kooxda looga sifeynayo gobollada kale ee baadiyaha ah. Ururka argagixsada ayaa maalmihii u dambeeyay waday weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah iyo kuwa dowladda.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bogaadiinta   dadaallada Guddiga FEIT kadib kula dar daarmayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaataan shahaadadooda xildhibaannimo, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii xildhibaanada loo dhaarin lahaa si ay u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT . Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray 1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay   Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir 2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay  Mudane Xasan Cali Yuusuf Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah: 1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur 2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed 3. Cabdijabbaar Cabdullaa...

Somali Forces Strike Blow Against Al-Shabab: 80 Extremists Killed in Central Offensive

Somalia's fight against terrorist group al-Shabab took a significant step forward on Tuesday, with the Somali National Army (SNA) confirming the deaths of at least 80 militants in central Somalia. General Dayah Abdi Abdulle, the country's land forces commander, announced the successful operation, praising the collaboration between the SNA, Galmudug forces, and local troops. Central Offensive Liberates Communities in Mudug Region: The military actions centered on the Mudug region, specifically in the Aad and Barag Sheikh Ismail areas near Harardhere district. These strategic locations were liberated from al-Shabab control, bringing security and respite to previously marginalized communities. Continued Focus on Combating Terrorism: General Abdulle emphasized that the Mudug offensive forms part of a wider strategy targeting al-Shabab strongholds throughout Somalia. This includes ongoing operations in the southern state of Jubaland and ongoing efforts in Hirshabelle. Somalia...

UAE's Floating Hospital: A Lifeline for Gazans in Need

In the heart of the city, inside Al Arish, a very special medical project is changing the life of Gazans hit by continuous war. Constructed within the compound of Operation Chivalrous Knight 3, the UAE Floating Hospital is among the few beacons of hope offering much-needed medical interventions to the most needy people. The hospital had executed more than 1,263 various surgeries since its operative date on February 24, 2024, providing life-saving interventions for the injured and much-needed medical treatment. A lifeline in time of crisis For Palestinians who have experienced terrible losses, the UAE Floating Hospital is a lifeline rather than only a symbol of cutting-edge medical technologies. The Prosthetics Centre of this project is among the most amazing features as the committed medical team there is working nonstop to give people who have lost limbs during the conflict mobility and dignity. So far the facility has fitted seven patients whereas plans are underway to manuf...

Safiirka JFS ee dalka Masar ayaa la kulmay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira.

Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta magaalada Qaahira ayaa kulan la qaatay Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif, Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta Qaahira, isagoo kala hadlay arrimooyin dhowr ah. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Soomaaliya siiso xaruntan oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dawlada, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada ay qabato Xarunta Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hormar waara. wuxuuna ku ammaanay Masar sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayso dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.

Privacy Policy