Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay Isgooyska Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan. Qaraxa ayaa la sheegay in uu daba socday ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, xilli ay quracadii ka dib ku jireen safaf dhaadheer.

Labo sarkaal oo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 25 askari, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 70 kale. Saraakiisha ayaa codsaday inaan la aqoonsan maadaama aan loo ogolayn inay si cad ula hadlaan warbaahinta. VOA ayaa warkan loo sheegay. Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa sheegay in 24 ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo culus oo ka dhashay shilkaasi.

Ururka argagixisada ah ee loo yaqaan Al-Shabaab ayaa goor hore sheegtay mas’uuliyadda dhacdada. Ururka argagixisadu waxa ay soo saareen bayaan ay ku baahiyeen Telegram Messenger kaas oo ay ku sheegteen in mid ka mid ah ismiidaamiyeyaashiisa uu beegsaday askarta. Sida ay sheegeen Al-shabaab, qaraxaas waxaa ku dhintay 73-askari, waxaana ku dhaawacmay 124-qof oo kale; si kastaba ha ahaatee, lambarkan si madax banaan looma xaqiijin.

Sida uu sheegay sarkaalka, qofka is qarxiyay ayaa ku labisnaa wax u eg dhar ciidan. Lama oga sida ay ugu suuragashay in qaraxa uu ka dhaco mid ka mid ah xarumaha ciidamada ee ku yaala magaalada caasimadda ah oo loo arko in uu yahay midka ugu ammaanka badan.

Tiro aad u badan oo ka mid ah askartan ayaa ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar, waxaana loo aas aasay in lagu xasuusto dadkii ku dhintay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca qaaradda Afrika, kaasoo ka dhacay isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October 2017, waxaana ku dhintay ku dhawaad ​​600 oo qof.

Tan iyo bishii August, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto howlgalka wejigiisa labaad si kooxda looga sifeynayo gobollada kale ee baadiyaha ah. Ururka argagixsada ayaa maalmihii u dambeeyay waday weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah iyo kuwa dowladda.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Sudan iyo Eedeymaha Hubka Kiimikada: Cadaadis Caalami ah

  Sudan oo Wajahaysa Cadaadis Caalami ah oo ku Saabsan Eedeymaha Hubka Kiimikada Eedeymaha sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan ay adeegsadeen hub kiimiko ku salaysan koloriin ayaa mar kale soo jiitay dareenka caalamka. Maraykanka, Jarmalka, Australia, Finland iyo Belgium ayaa Sudan wax ka weydiiyey eedeymahan intii lagu jiray kulankii 113-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo ka dhacay magaalada The Hague intii u dhexeysay 6 iyo 9 Oktoobar 2026. Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna arrintan ka hadlay. Dalalkan waxay doonayaan in su'aalaha laga qabo hubka la sheegay in la isticmaalay lagu wajaho baaritaan cad iyo xog la xaqiijin karo. Akhri warbixinta EU Today . Dalalka Caalamka oo Dalbanaya Jawaabo Cad Kulanka OPCW waxaa si weyn diiradda loogu saaray baahida loo qabo in dowladda Sudan ay si faahfaahsan uga jawaabto eedeymaha. Jarmalku wuxuu ku baaqay in la dhammaystiro baaritaanka gudaha dalka, natiijadi...

Somalia's Humanitarian Crisis: A Call to Action

In recent reports, the United Nations has sounded the alarm over Somalia's deepening humanitarian crisis, which has left millions of people struggling to access basic necessities like food and water. Joyce Msuya, Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs, and Beth Bechdol, Deputy Director-General of the Food and Agriculture Organization, recently visited Somalia to witness the situation firsthand and draw attention to the urgent needs of its people. The crisis in Somalia has been exacerbated by severe climatic events, including the worst drought in four decades followed by devastating floods. As a result, four million Somalis, constituting 21% of the population, are facing extreme food shortages. Children are particularly vulnerable, with approximately 1.7 million under the age of five suffering from acute malnutrition, including 430,000 who are severely malnourished. Despite ongoing efforts to address the crisis, challenges such as insufficient funding and logistical ba...

Puntland oo lagu doortay shan xubnood oo ka mid noqonaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garoowe caasimadda Puntland waxa ku kala guulaystay murashaxiinta kala ah. 1-HOP#235 C/laahi Bidhaan Warsame. 2-HOP#200 Cali Yuusuf Cali. 3-HOP#196 Cabdi Ibraahim Warsame. 4-HOP#249 C/laahi Xasan Rooble. 5-HOP#166 Axmed Cabdi Xaashi. The electoral delegates of #Puntland State have elected on Saturday in #Garowe five MPs including one Federal Minister and two regional Ministers to House of People of Federal Parliament. #Somalia pic.twitter.com/NYiTMyO0wT — SNTV News (@sntvnews1) January 22, 2022

Privacy Policy