Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u safraya dalka Talyaaniga si uu uga qeyb galo shirar heer gobol iyo heer caalami ah
Xarunta Dhexe ee Hay’adda FAO ayaa lagu wadaa in 24-ka July ilaa 26-ka Bisha July ay martigelineyso Barnaamijka Kaydinta Nidaamyada Cunnada ee Qaramada Midoobay.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga si uu uga qeyb galo.
President @HassanSMohamud and his delegation have on Sunday arrived in #Roma, #Italy, to attend UN @FoodSystems Summit +2 Stocktaking Moment. pic.twitter.com/hc7tyXmcCT
— SNTV News (@sntvnews1) July 23, 2023
Wadamada ka qaybgalaya waxay qiimayn doonaan
horumarkooda ku wajahan yoolalka lagu dejiyay Shirwaynaha Nidaamyada Cuntada ee
ugu horeeya sanadka 2021 inta lagu guda jiro kulanka heerka sare ah ee saddexda
maalmood ah. Ujeedadu waa in la aqoonsado guulaha la gaaray, wax laga qabto
dhibaatooyinka sii socda, lana kala saaro mudnaanta soo socota.
Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale ka qeybgali
doona shirar kale oo heer gobol ah oo ka dhacaya Rome marka laga reebo
munaasabadda Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto shir saddex geesood ah oo ay
isugu imaanayaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.
Shirweynaha Qaramada Midoobay ee arrimaha
bini’aadantinimada Geeska Afrika ayaa Arbacadii lagu qabtay magaalada Rome,
waxaana dowladda Talyaaniga ay ka qeybgashay si ay u sahmiyaan sidii ay gobolka
uga caawin lahaayeen dhibaatooyinka ay ka mid yihiin abaaraha ba’an ee ka jira
gobolka.
Talyaanigu waxa uu ballan qaaday in uu 40 milyan oo
Yuuro u fidin doono qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada ee Qaramada
Midoobay (HRP) taas oo qayb ka ah dadaalladeeda gargaar, waxana ay 30 milyan oo
dheeraad ah u qoondaysay waxqabadyada bini’aadantinimo iyo mashaariicda
horumarineed.
Abaarta ba’an ee ka jirta Geeska Afrika awgeed,
Soomaaliya waxaa ka jirta cunto yari daran. 6.5 milyan oo qof oo dalka oo dhan
ah ayaa la kulma cunto yari ba'an taas oo ka dhalatay cimilada ugu qalalan
muddo 40 sano ah. Dhacdooyinka kale ee cimilada ee soo noqnoqda,
nabad-gelyo-xumada joogtada ah, iyo xasillooni-darrada ayaa waxaa uga sii
daraya abaarta.
Comments
Post a Comment