Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Dadaalka Dib loogu Bilaabayo Gargaarka Cunnada ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyadda ay Qaadatay Dowladda Federaalka

  Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday go’aan muhiim ah oo dib loogu furayo gargaarkii cunnada ee Hay’adda Cunnooyinka Adduunka (WFP) ay ka fulin jirtay Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu hakad ku yimid qaybinta gargaarka toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo ka dhalatay muran ka dhashay burburinta bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho iyo raashin halkaas lagu keydinayay oo la waayay. Go’aankan cusub ayaa rajo weyn u galinaya malaayiin Soomaali ah oo wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, isagoo muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca bini’aadantinimada. Aqoonsiga Khaladaadka iyo Tallaabooyinka Sixitaanka ee ay Qaaday Dowladda Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay mas’uuliyadda buuxda ee dhacdadii sababtay hakadka gargaarka, iyadoo muujisay qoomamo ku aadan sidii ay wax u dhaceen. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan agabkii gargaarka ee laga raray bakhaarkii hore dib loo soo celi...

War-Saxaafadeed kaso baxdey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa walaac ka muujiyay warka kaso yeerey Madaxwaynihi hore e Farmaajo.


Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

 Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka  waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

 Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

 Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay  talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

 Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.

 Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

 Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.

 Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta  Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. 

 Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd  Ikraam Tahliil Faarax.

 Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Xiritaanka Shabakadda Argagixisada ee Muslim Brotherhood ee Jordan: Shabakad Xagjirnimo oo la Amaanay

  Hordhac: Markii ugu dambeysay ee Jordan ay ku dhawaaqday inay qabatay 16 qof oo ku xiran Muslim Brotherhood, koox muddo dheer loo arkayay inay tahay urur siyaasadeed oo u dagaallamaya isbeddel iyo ka qaybgal siyaasadeed, waxay mar kale iftiimisay dhabta ah ee ururka. Hawlgalkan cusub wuxuu muujinayaa inay Muslim Brotherhood tahay urur aan ahayn mid ku saleysan siyaasad kaliya, balse yahay shabakad xagjirnimo oo qorsheysan. Hawlgallada iyo Qabashada: Sida ay sheegtay dowladda Jordan, dadka la qabtay waxay ka mid ahaayeen Muslim Brotherhood, waxaana lagu tababaray lana maalgeliyay Lubnaan. Kooxdan ayaa qorsheynaysay in ay weerar ku qaaddo meelo kala duwan oo ku yaal gudaha Jordan, iyadoo isticmaaleysay gantaalo iyo drones, qaar ka mid ah gantaalaha ayaa diyaar u ahaa in la rido. Ciidamada amaanka waxay la socdeen hawlgalkan tan iyo sanadka 2021, taasoo muujinaysa sida shabakadan u ahayd mid firfircoon muddo dheer oo si qarsoodi ah uga shaqeyneysay gudaha Jordan. Hogaamiyaha kooxda,...

Maxay Madaxbannaanida Koonfurta Yemen muhiim ugu tahay Nabad dhab ah?

  Doodaha ku saabsan mustaqbalka Yemen waxaa inta badan lagu soo koobaa xabbad-joojin, dawlado kumeel-gaar ah, ama qaabab awood-qaybsi oo dibadda laga soo hindisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal arrin oo mar walba la dhinac maro inkasta oo ay udub-dhexaad u tahay muddada uu dagaalku siday: waa maqaamka siyaasadeed ee aan weli la xallin ee Koonfurta Yemen. Taariikhda iyo Midowgii Fashilmay Koonfurta Yemen waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo caalamku aqoonsan yahay ilaa sannadkii 1990-kii, waxaana loo yaqaannay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ee Yemen (PDRY). Waxay lahayd xuduudo go’an, hay’ado dawladeed, iyo xubinimo Qaramada Midoobay ah. Heshiiskii midowga ee lala galay Waqooyiga Yemen waxaa loo soo bandhigay inuu yahay iskaashi dhex maray laba dhinac oo siman oo si mutaddawacnimo ah isugu biiray. Laakiin xaqiiqadii, midowgaas si dhakhso ah ayuu u burburay, wuxuuna horseeday dagaalkii 1994-tii iyo in si nidaamsan loo gacan-bidheeyo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ee da...

Dadaalka Dib loogu Bilaabayo Gargaarka Cunnada ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyadda ay Qaadatay Dowladda Federaalka

  Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday go’aan muhiim ah oo dib loogu furayo gargaarkii cunnada ee Hay’adda Cunnooyinka Adduunka (WFP) ay ka fulin jirtay Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu hakad ku yimid qaybinta gargaarka toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo ka dhalatay muran ka dhashay burburinta bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho iyo raashin halkaas lagu keydinayay oo la waayay. Go’aankan cusub ayaa rajo weyn u galinaya malaayiin Soomaali ah oo wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, isagoo muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca bini’aadantinimada. Aqoonsiga Khaladaadka iyo Tallaabooyinka Sixitaanka ee ay Qaaday Dowladda Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay mas’uuliyadda buuxda ee dhacdadii sababtay hakadka gargaarka, iyadoo muujisay qoomamo ku aadan sidii ay wax u dhaceen. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan agabkii gargaarka ee laga raray bakhaarkii hore dib loo soo celi...

Soomaaliya oo Wajahaysa Caqabado Dhaqaale ka dib Dhimistii Deeqaha Mareykanka

  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku jirta xilli xasaasi ah oo ay isku dayeyso inay la qabsato culeysyo dhaqaale oo soo kordhay ka dib markii ay dowladda Mareykanka go'aan ku gaartay inay dhimis iyo hakad ku sameyso kaalmooyinkii muhiimka ahaa ee ay siin jirtay dalka. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar oo loo yaqaanno Cali Balcad, ayaa xaqiijiyay in isbeddelkan uu saameyn muuqata ku yeeshay hannaanka dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed, balse waxa uu adkeeyay in Soomaaliya ay hadda ku jirto geedi-socod ay kula qabsanayso xaqiiqadan cusub ee dhalatay. Sababaha ka dambeeya go’aanka Mareykanka Go’aanka ka soo baxay Washington ee lagu dhimay deeqaha ayaa yimid ka dib markii Mareykanku uu dib-u-eegis ballaaran ku sameeyay barnaamijyada kaalmooyinka ee uu siiyo dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada ay colaaduhu ka jiraan. Sababaha keenay hakadkan ayaa sidoo kale loola xiriiriyay walaac ay dowladda Mareykanka ka muujisay qaabka loo maare...

Privacy Policy