Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Qeybtii ugu horeysay ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa Arbacadii kasoo degay magaalada Muqdisho.

Qeybtii ugu horeysay ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa Arbacadii kasoo degay magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah askartii lagu soo tababaray dalka Eritrea. Ciidamadan laga kenayo dalka Eritrea ayaa billaaban doona bisha December dhaxdeeda, sida uu sheegay madaxweyne XasanSheekh, oo sidoo kale xusay in ciidamada ugu dambeeya ay imaan doonaan bisha ugu horreysa ee sannadka cusub.

Sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga oo tilmaamay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada dalka looga tirtiraayo ururka Al-Shabaab. Hawlgalladas oo ay dowlada ay gaadheen guulo taariikhi ah oo la taaban karo.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay u heelan tahay xoreynta qaranka, isla markaana ay xoojineyso, isla markaana ay dib u tayeyneyso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo muhiim u ahaa dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo warbahiinta lahadlaayo ayaa yiri “Maanta ayay  suuragashay inay qeybtii ugu horreysay dalka kasoo dagto inta xarteyna imaan doonto. Waxay dhabar jab ku tahay Khawaarijta, iyo cid walba oo nabadda iyo dalka guud ahaan dhib ku haysa ayey dhabar jab ku tahay,”

ATMIS ayaa ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in dufcadii ugu horeysay ee Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Ereteriya ay soo gaaraan dalka, waxaana ay sheegtay in tani ay xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay ciidan xoogan abuurto. Abuurista xoogga ayaa lama huraan u ah kor u qaadista awoodda Ciidanka Xoogga Dalka si ay ugu diyaar garoobaan in ATMIS ay ku wareejiso mas'uuliyadda amniga Ciidanka.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Xoojinaya Xiriirkooda

  Kulan Taariikhi ah: Xoojinta Iskaashiga Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jarmalka Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa si xooggan u ballaarinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga siyaasadda iyo horumarinta si loo kobciyo is-dhexgalka iyo xasiloonida hay'adaha dowladda. Intii ay socdeen wadahadalladan istiraatiijiga ah, mas'uuliyiintu waxay muujiyeen in si dhab ah looga go'an yahay balaarinta wada-shaqeynta baarlamaanka ee u dhexeysa labada dal. Sidoo kale, madaxda ayaa ka hadlay fursadaha muhiimka ah ee lagu dhisayo iskaashi xooggan oo dhexmara ganacsiyada Soomaaliya iyo kuwa Jarmalka , iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo adkeysiga dhaqaalaha, la dhiirigeliyo maalgashiga maxalliga ah, lana fududee...

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Wasiirka Difaaca Oo U Digay Mucaaradka

 Tallaabooyin Adag oo Loo Qaadayo Ilaalinta Xasiloonida Caasimadda Muqdisho Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isagoo uga digay in la qaado tillaabooyin ujeeddadoodu tahay in la carqaladeeyo amniga caasimadda Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee hadalkan ayaa ah in laga hortago abaabul kasta oo maleeshiyo hubeysan oo dhaawici kara xasiloonida magaalada. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda federaalku aysan marnaba u dulqaadan doonin isku-day kasta oo hoos u dhigaya amniga guud, isagoo si gaar ah digniin u siiyay mucaaradka in ay iska fogeeyaan abaabulka kooxo hubeysan xilligan ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda ayaa caddeysay in haddii mucaaradku isku dayaan abaabul maleeshiyo, in si adag loola tacaali doono. Isagoo muujinaya qiimaha qaaliga ah ee lagu bixiyay nabadgelyada, wasiirku wuxuu xusay in naf iyo hanti badan loo huray sugidda amni...

Flydubai oo soo bandhigtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Dubai iyo Muqdisho

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ay bilowday duulimaad toos ah oo isaga kala gooshi jiray Dubai iyo Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Boeing 737 Max oo rakaab ka soo qaaday magaalada Dubai. The Minister of Transport and Civil Aviation, @fardowsaegal welcomed @flydubai ’s first flight to #Mogadishu ’s Adan Abdulle International Airport, on Thursday. The Airline will do daily flight connecting Mogadishu and #Dubai . #Somalia pic.twitter.com/T4W5lKLDch — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2023 Shirkadda ayaa horay u sheegtay in 14-ka Febraayo 2023 ay billaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaas la gaarsiiyo laba jeer maalin kasta 1-da June. , Jabuuti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba, iyo Zanzibar ee Afrika. Adeeggan cusub ayaa lagu dari doonaa shabakadaas. Muqdisho waa magaalada labaad ee Soomaa...

Privacy Policy