Xog kusaabsan Ikraan Tahliil Faarax. Maxa uga xarey 48 saac dii loo qabtey Agaasimaha hay'adda NISA?
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay arrinta Ikraan Tahaliil Faarax ayaa sheegay in sirdoonka hay'adda NISA warbixinta ay soo saareen ee kusaabsan geerida Ikraan Tahliil Faarax aysan ahyn mid lagu qanci karo, isagoo ku amray agaasimaha NISA inuu muddo 48 saac gudahood ah ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay isdejiyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmey qoyska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana ku wehliyay Ugaas C / raxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan qoyska Ikraan, asago u muujiyo sida uu uga xun yahay xaaladda gabadhooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay sida qoyska Ikraan ay uga go’an tahay caddaaladda, wuxuuna caddeeyay in uu qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah sugidda amniga, isagoo sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo shaqsiyaadka aan waxba galabsan oo la afduubtay.
Comments
Post a Comment