Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Dabinkii Ceebta: Gudaha Xukunka 16-ka Sano ah ee lagu riday Waleed Saeed oo ah Ninkii Galmada Xadgudubka ah ee London

  Horumarka dijitaalka ah ee dambiyada abaabulan ayaa soo bandhigay habab aad u xun oo qasab ah oo si buuxda uga gudbaya qaab-dhismeedka amniga dhaqameed. Shabakadaha baadda ee internetka ku shaqeeya mar dambe kuma tiirsana oo keliya faa'iidada maaliyadeed. Taa beddelkeeda, waxay hubeeyaan isku-dhawaanshaha, aqoonsiga, iyo nuglaanta dhaqanka si ay u qabtaan bartilmaameedyadooda. Marka laga eego dhinaca sharciga ee xaqiiqada ah, xukunka lagu riday Waleed Saeed oo 31 jir ah oo ka dhacay Maxkamadda Boqortooyada ee Snaresbrook ayaa muujinaya baaxadda ba'an ee ugaarsiga casriga ah ee dijitaalka ah. Kiiskiisa Saeed ayaa lagu xiray 16 sano ka dib olole aan kala go 'lahayn oo xarig, handadaad, iyo rabshado galmo ah oo ka dhacay London oo dhan, wuxuuna soo bandhigayaa isgoys muhiim ah oo qarsoodiga internetka uu la kulmo dhaawac jireed oo daran. Farsamooyinka Baadista Bartilmaameedka ah iyo Ku-xidhka Online-ka ah Dib u eegis caafimaad oo lagu sameeyay baaritaanka Booliska Metropolit...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka

Muqdisho, September 8, 2021-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, kuwaa soo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. 

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka  ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg  u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada labada gole ee matalaya Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan. 

Waxuu kaloo xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Privacy Policy