Kadib muran ka dhashay doorashada kuraasta loo ballansanaa
shalay, ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Jowhar ee
xarunta maamulkaas doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Hirshabeelle. Warbaahinta,
qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kuraasta aqalka sare ee maamulka ayaa
lagu arkay iyagoo buuq kasameeynayo hoolka doorashada.
Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la anshax marin
doonaa, doorashadu way sii socon doontaa, waxaana saddexda kursi ee harsan
maanta la dooran doonaa, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha sharci dejinta. Doorashada
baarlamaanka Soomaaliya waxay ahayd mid gaar ah oo kuraasta qaar ayaa lagu
tartamayay, si ka duwan maamuladii hore ee Soomaaliya.
Midkii uu ku yimid Senetar Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ahaa
kuraas aad loo hadal hayo tartankooga. Doorashada ayaa la filayay in la soo
gabagabeeyo Khamiista, laakiin dib ayaa loo dhigay sababo kala duwan awgood,
waxaana hadda loo badinayaa in maanta la soo gabagabeeyo.
“Laba xildhibaan ayaa buuq ka dhashay dhammaadkii wareegga
koowaad, waxaana looga yeeray baarlamaanka si ay uga doodaan khilaafkooda,
shaqada maanta waa la wadaa, waana la sii wadi doonaa mustaqbalka” Guddoomiye
ku xigeenka , Siraaji Sheekh Isaaq Cadulle, ayaa BBC -da u sheegay.
Baarlamaanka Koowaad ee Hirshabeelle
Comments
Post a Comment