Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyay Guddiyada Doorashada dadaalka ay ugu jiraan dardar gelinta doorashooyinka Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiyada Doorashooyinka Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabeelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashada Baarlamaanka si ay ugu dhamaato waqtiga loo qorsheeyay 2021-ka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu faray guddiyada doorashada inay ilaashadaan madax-bannaanidooda, ayna raacaan nidaamka iyo habraacyada ku xusan heshiisyadii September 17 iyo Oktoobar 1, 2020 iyo May 27 iyo August 24, 2021.
Si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, marxaladda kala guurka ahna si habsami leh loogu gudbo, waxaa loo baahan yahay hufnaan doorasho. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay filayaan hufnaan doorasho oo saldhig u ah xasiloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmayaa guddiyada doorashada in ay muujiyaan taxadar iyo mas’uuliyad dheeraad ah.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay gacan ku siiyaan Guddiyada doorashooyinka sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, isla markaana uu ku dhiirigelin lahaa in ay si xor iyo hufnaan leh u qabtaan doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Guddiyada Doorashooyinka Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle in ay bilaabaan doorashooyinka Golaha Shacabka https://t.co/9Ihv6XxwVe
— SomaliPM (@SomaliPM) November 24, 2021
Comments
Post a Comment