Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Hay’adda NISA ayaa lagu eedeeyay inay caqabad ku tahay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

 

Hay'adda NISA oo is hortaagtey baaritaanka kiiska Ikraam Tahliil.

Tan iyo markii qoyskeeda ay Maxkamadda Ciidamada QalabkaSida u soo bandhigeen liiska dadka ay u arkaan inay ku lug lahaayeen waayitaankii Ikraan Tahliil Faarax 24-kii bishii July, wali wax horumar ah lagama gaarin baaritaanka. 27-kii Maajo, maxkamaddu waxay amartay guddi baaritaan ku sameeya kiiska.

 Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la waayay 26-kii bishii hore ee June, 2-dii September, NISA waxay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay afduubteen oo dileen gabadha, balse Al-Shabaab ayaa soo saartay beenin aan caadi ahayn.

Ikraan Tahliil hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa dhowr jeer sheegtay in nolosha gabadheeda ay ka bilaabanto kuna dhamaato NISA.

“Waxay Maxkamaddii iyo Xeer Ilaalintii, intaba ay noo sheegeen in kiiskan aysan sii wadi karin, illaa ay u madaxbannaanaadaan, waxay noo sheegeen inay dareemayaan humaag badan in uu jiro.” Ayay tiri Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.


Xildhibaan Amina Maxamed oo ah Xildhibaanadda Ikraan Tahliil ayaa Barnaamijka Galka Baarista u sheegtay “Inta aysan soo shaac bixin arrintan oo gabadha waa dhimatay aysan NISA baahinin ayaa waxaa dhacday baaritaankii intii ay ku guda jireen qoladii maxkamadda ahaa ay dhaheen anagga hay’ad dowladeedaa nahay, inaad na soo dhexgashaan nama baari kartaan, anagaa idiin soo baarayno ee dacwada la idin-keenay noo keena, anagaa baaritaanka sameynayno. Marka waxay diideen in la soo dhexgalo oo kiiskaas ay Xeer Ilaalinta baarto, waxay codsadeen inay ayagu baarayaan oo ayagu ay dadka tuhmanayaasha wareysanayaan.”

Xildhibaan Amina Maxamed ayaa sheegtay in ay wax layaab lihi ku noqotay dadkii la eedeynayay inay dalbadaan in kiiskaasi ay soo baaraan.

“Waxaa layaab ila noqotay dad ayaga la tuhmaayo oo la eedeynayo inay haddana ayaga is baarayaan, oo ay dhahayaan anagaa is baarayno oo dacwad ama jawaabo laga diyaarinayo la leeyahay hebel waan soo wareysanay, sidaanuu yiri.” Ayay tiri Marwo Amina Maxamed.

Waxyaabaha tuhunka ku sii kordhinaya Taliskii hore ee NISA iyo kan maanta xafiiska joogaba ayaa ah, sida aanay diyaarka ugu ahayn in xitaa Warbaahinta ay wax ka weydiisto maqnaanshaha gabadhaasi.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u soo maamulay xafiiskan ayaa qaba in Ikraan Tahliil loo dilay wax uu ku sheegay dembi siyaasadeed, walow aanu wax caddayn ah arrintaasi u hayn.

“Gabadhaasi dembi siyaasadeed wax la xiriiro ayaa lagu dilay, dadka dilayna dembi siyaasadeed ayay galeen.” Ayuu Sanbaloolshe u sheegay Galka Baarista.

Kiiskan ayaa madax wareer ku riday Madaxda Dowlada Federaalka, marka aad eegto sida uu bishii September khilaaf uga dhex abuuray labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, inkastoo 21-kii bishii hore October ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba ka heshiiyeen khilaafkoodaasi, ayna isu waafaqeen in baaritaanka kiiska gabadhaasi loo daayo Hay’adaha Garsoorka, tiiyoo aad mooddo in wax ka soo naaso cad aanu jirin

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy