Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka

  Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...

Hay’adda NISA ayaa lagu eedeeyay inay caqabad ku tahay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

 

Hay'adda NISA oo is hortaagtey baaritaanka kiiska Ikraam Tahliil.

Tan iyo markii qoyskeeda ay Maxkamadda Ciidamada QalabkaSida u soo bandhigeen liiska dadka ay u arkaan inay ku lug lahaayeen waayitaankii Ikraan Tahliil Faarax 24-kii bishii July, wali wax horumar ah lagama gaarin baaritaanka. 27-kii Maajo, maxkamaddu waxay amartay guddi baaritaan ku sameeya kiiska.

 Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la waayay 26-kii bishii hore ee June, 2-dii September, NISA waxay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay afduubteen oo dileen gabadha, balse Al-Shabaab ayaa soo saartay beenin aan caadi ahayn.

Ikraan Tahliil hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa dhowr jeer sheegtay in nolosha gabadheeda ay ka bilaabanto kuna dhamaato NISA.

“Waxay Maxkamaddii iyo Xeer Ilaalintii, intaba ay noo sheegeen in kiiskan aysan sii wadi karin, illaa ay u madaxbannaanaadaan, waxay noo sheegeen inay dareemayaan humaag badan in uu jiro.” Ayay tiri Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.


Xildhibaan Amina Maxamed oo ah Xildhibaanadda Ikraan Tahliil ayaa Barnaamijka Galka Baarista u sheegtay “Inta aysan soo shaac bixin arrintan oo gabadha waa dhimatay aysan NISA baahinin ayaa waxaa dhacday baaritaankii intii ay ku guda jireen qoladii maxkamadda ahaa ay dhaheen anagga hay’ad dowladeedaa nahay, inaad na soo dhexgashaan nama baari kartaan, anagaa idiin soo baarayno ee dacwada la idin-keenay noo keena, anagaa baaritaanka sameynayno. Marka waxay diideen in la soo dhexgalo oo kiiskaas ay Xeer Ilaalinta baarto, waxay codsadeen inay ayagu baarayaan oo ayagu ay dadka tuhmanayaasha wareysanayaan.”

Xildhibaan Amina Maxamed ayaa sheegtay in ay wax layaab lihi ku noqotay dadkii la eedeynayay inay dalbadaan in kiiskaasi ay soo baaraan.

“Waxaa layaab ila noqotay dad ayaga la tuhmaayo oo la eedeynayo inay haddana ayaga is baarayaan, oo ay dhahayaan anagaa is baarayno oo dacwad ama jawaabo laga diyaarinayo la leeyahay hebel waan soo wareysanay, sidaanuu yiri.” Ayay tiri Marwo Amina Maxamed.

Waxyaabaha tuhunka ku sii kordhinaya Taliskii hore ee NISA iyo kan maanta xafiiska joogaba ayaa ah, sida aanay diyaarka ugu ahayn in xitaa Warbaahinta ay wax ka weydiisto maqnaanshaha gabadhaasi.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u soo maamulay xafiiskan ayaa qaba in Ikraan Tahliil loo dilay wax uu ku sheegay dembi siyaasadeed, walow aanu wax caddayn ah arrintaasi u hayn.

“Gabadhaasi dembi siyaasadeed wax la xiriiro ayaa lagu dilay, dadka dilayna dembi siyaasadeed ayay galeen.” Ayuu Sanbaloolshe u sheegay Galka Baarista.

Kiiskan ayaa madax wareer ku riday Madaxda Dowlada Federaalka, marka aad eegto sida uu bishii September khilaaf uga dhex abuuray labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, inkastoo 21-kii bishii hore October ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba ka heshiiyeen khilaafkoodaasi, ayna isu waafaqeen in baaritaanka kiiska gabadhaasi loo daayo Hay’adaha Garsoorka, tiiyoo aad mooddo in wax ka soo naaso cad aanu jirin

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Flydubai oo soo bandhigtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Dubai iyo Muqdisho

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ay bilowday duulimaad toos ah oo isaga kala gooshi jiray Dubai iyo Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Boeing 737 Max oo rakaab ka soo qaaday magaalada Dubai. The Minister of Transport and Civil Aviation, @fardowsaegal welcomed @flydubai ’s first flight to #Mogadishu ’s Adan Abdulle International Airport, on Thursday. The Airline will do daily flight connecting Mogadishu and #Dubai . #Somalia pic.twitter.com/T4W5lKLDch — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2023 Shirkadda ayaa horay u sheegtay in 14-ka Febraayo 2023 ay billaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaas la gaarsiiyo laba jeer maalin kasta 1-da June. , Jabuuti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba, iyo Zanzibar ee Afrika. Adeeggan cusub ayaa lagu dari doonaa shabakadaas. Muqdisho waa magaalada labaad ee Soomaa...

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharci taariikhi ah oo la dagaalanka argagixisada oo uu saxiixay madaxweynaha.

Sharci cusub oo la dagaalanka argagixisada oo ujeedadiisu tahay in la helo qaab sharci ah oo lagu caawinayo hay’adaha ammaanka dowladda si ay si wanagsan ula dagaalamaan iyo ciribtirka argagixisada Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Dood iyo falanqeyn toddobaadyo ah ka dib, xildhibaanada ayaa waxa ay ku meel mariyeen sharcigan 133-3, halka 7 ay ka aamuseen, waxaana sharcigan uu Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ku tilmaamay sharci muhiim u ah in dalka Geeska Afrika uu noqdo mid nabad ah. “Sharcigani waxa uu lama huraan u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna imaanayaa xilli aan aad ugu baahanahay in aan gudano waajibaadkeena qaran ee ka hortagga falalka argagixisanimo iyo burburinta argagixisada,” ayuu ku dhawaaqay Salaad. “Maanta sharci dumarka iyo carruurta ka ilaalinaya weerarrada argagixisada, seef af badanna u ah hay’adaha amniga dowladda si loo cirib tiro argagixisada ayaa lagu guuleystay...

Dubai Soars in 2023: Record-Breaking Tourism Fuels Global Appeal

Dubai's glittering skyline continues to shine brighter, as 2023 saw the city break its own tourism records. With a staggering 17 million international visitors , exceeding pre-pandemic levels by a whopping 19. 4%, Dubai is not just recovering, it's thriving. This surge marks a significant milestone in the global tourism industry's comeback, solidifying Dubai's position at the forefront. Not only did visitor numbers reach new heights, but hotel occupancy rates soared to an impressive 77.4% , showcasing the city's enduring appeal. But Dubai's ambitions reach even higher. With over 150,000 hotel rooms and an ever-expanding capacity, the city aims to climb even further, setting its sights on becoming one of the top 3 tourist destinations in the world . This vision is fueled by the ambitious Dubai Economic Agenda D33 , a roadmap towards achieving this audacious goal. What's driving this phenomenal success? Several factors contribute to Dubai's ...

Privacy Policy