Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa u geeriyooday qarax argagixisadu la beegsadeen.
Dhaawacyada ayaa iminka lagu dabiibayaa mid ka mid
ah Isbitaalada Muqdisho. Qaraxa sida ay Cadeeyeen Kooxaha Farsamayaqaanada
Booliska waa Qof naftii hallige ah oo dhinaca ku dhagay gaariga ay saarnaayeen
agaasimiyaasha Radio Mogadishu iyo SNTV oo kasoo baxay Maqaayad ay ka casheyeen
oo ku taalla dhanka Boondhere wadada Busleey.
Dhagar Qabaha ayaa waxa uu halmar kusoo booday
Daaqada Gaariga kadibna isqarxiyay. Sida ay qoraayaan Dadka ma ahan oo qarax
Gaariga kuma xirneyn. Waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha
isqarxiyay.
“Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa
qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Cabdicasiis waxa uu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey Qaran oo dalkiisa,
dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan
ah”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in Marxuum Cabdicasiis Afrika uu Naxariistii janno uu Alle ugu deeqo, annagana uu samir iyo Iimaan Alle naga wada siiyo. Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu dhaawacyada Allaah uga baryay in uu deg deg u bogsiiyo.
Comments
Post a Comment