Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka .
Qodobbadii ka soo baxay shirkii ay maanta yeesheen Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane @MohamedHRoble iyo Golaha Midowga Musharraxiinta ee ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka dalka. pic.twitter.com/sBZCszNQD2
— SomaliPM (@SomaliPM) November 28, 2021
Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka
muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo
sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Musharaxiinta
uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta
doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray Guddiyada doorashada in
ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee
doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha isaga oo tixgalinaya
tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka ee ay muujiyeen
Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada
Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan
doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in
doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka
jira.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal uu u qabanayo sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.
Comments
Post a Comment