Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Wajiga 2-aad ee barnaamijka Baxnaano, dowladdu waxay ku bixin doontaa kaalmo dhaqaale 160,000 qoys.


.  daahfurka wajiga labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyey Ayaxa.

Wajigii labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyay  ayaxu ayaa Sabtidii, November 6, 2021 ka bilowday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Wajigii kowaad waxa la siinayay $60 bishiiba muddo lix bilood ah 102,000 qoysas oo ku nool 42 degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

Wajiga 2-aad ayaa dowladda waxa ay taageero dhaqaale ka heshay Bankiga Adduunka, taasoo u ogolaaneysa in la gaarsiiyo 160,000 qoys oo cusub oo ku kala nool 48 degmo oo ka tirsan Soomaaliya. Furitaanka mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxayna bogaadiyeen taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay Dadka nugul iyo kuwa uu saameeyey Ayaxa.

Goob joogayaasha kala ahaa Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed,
Mudane, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay Dawladda ku guulaysatay in si degdeg ah uga jawaabto saamaynta Ayuxu u gaystay bulshada nugul.

“Mashruucan caawinta dadka Ayuxu saameeyay wuxuu ka caawinayaa bulshada aadka saboolka u ah inay ku negaadaan deegaannadooda, dibna u wataan noloshooda beeraha, xoolaha iwm. Waxaan haddaba ka rajaynayaa mas’uuliyiinta Dawlad-goboleedyadu inay doorkooda shariifka ah ka qaataan Meelmarinta hawlahan bulshada nugul loogu adeegayo.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Cali Saciid Fiqi ayaa ku tilmaamay daahfurka wajiga labaad ee mashruucan inuu door weyn ka qaadanayo ka hortagga saameyn ay Bulshada kala kulmaan dhibaatooyinka uu u geystay Ayaxa.

“Mashruucan oo ujeeddadiisu tahay Bulshada inaysan deegaannadooda ka barakicin, wuxuu sidoo kale Bulshada kalsooni ku siinayaa sida ay Dawladda diyaar ugu tahay ka jawaabida marxadaha deg degga ah ee saameynta bulsho geysta.” ayuu yiri Guddoomiye Cali Fiqi oo si rasmi ah markaa u daahfuray mashruuca.

Mashruuca si degdeg ah uga jawaabidda masiibooyinka saameeya bulshada, ayaa qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka, gaar ahaan barnaamijka Baxnaano.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Guddiga Gaadiidleyda iyo Ganacsatada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.  Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka. Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka. “Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaa...

Privacy Policy