Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Wajiga 2-aad ee barnaamijka Baxnaano, dowladdu waxay ku bixin doontaa kaalmo dhaqaale 160,000 qoys.


.  daahfurka wajiga labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyey Ayaxa.

Wajigii labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyay  ayaxu ayaa Sabtidii, November 6, 2021 ka bilowday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Wajigii kowaad waxa la siinayay $60 bishiiba muddo lix bilood ah 102,000 qoysas oo ku nool 42 degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

Wajiga 2-aad ayaa dowladda waxa ay taageero dhaqaale ka heshay Bankiga Adduunka, taasoo u ogolaaneysa in la gaarsiiyo 160,000 qoys oo cusub oo ku kala nool 48 degmo oo ka tirsan Soomaaliya. Furitaanka mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxayna bogaadiyeen taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay Dadka nugul iyo kuwa uu saameeyey Ayaxa.

Goob joogayaasha kala ahaa Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed,
Mudane, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay Dawladda ku guulaysatay in si degdeg ah uga jawaabto saamaynta Ayuxu u gaystay bulshada nugul.

“Mashruucan caawinta dadka Ayuxu saameeyay wuxuu ka caawinayaa bulshada aadka saboolka u ah inay ku negaadaan deegaannadooda, dibna u wataan noloshooda beeraha, xoolaha iwm. Waxaan haddaba ka rajaynayaa mas’uuliyiinta Dawlad-goboleedyadu inay doorkooda shariifka ah ka qaataan Meelmarinta hawlahan bulshada nugul loogu adeegayo.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Cali Saciid Fiqi ayaa ku tilmaamay daahfurka wajiga labaad ee mashruucan inuu door weyn ka qaadanayo ka hortagga saameyn ay Bulshada kala kulmaan dhibaatooyinka uu u geystay Ayaxa.

“Mashruucan oo ujeeddadiisu tahay Bulshada inaysan deegaannadooda ka barakicin, wuxuu sidoo kale Bulshada kalsooni ku siinayaa sida ay Dawladda diyaar ugu tahay ka jawaabida marxadaha deg degga ah ee saameynta bulsho geysta.” ayuu yiri Guddoomiye Cali Fiqi oo si rasmi ah markaa u daahfuray mashruuca.

Mashruuca si degdeg ah uga jawaabidda masiibooyinka saameeya bulshada, ayaa qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka, gaar ahaan barnaamijka Baxnaano.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy