Shir wadatashi ah ayaa uga furmay Muqdisho , Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad gobolleedyada Dalka.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kaleWasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlad goboleedyada dalka ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Diiradda wada-tashiga ayaa ahaa dhammaystirka diiwaan-gelinta midaysan iyo kaydka xogta barnaamijka Baxnaano, iyadoo hannaankan ay dowladdu maamulayso uu gacan ka geysanayo mideynta xogta kaaliyeyaasha dhammaan mashaariicda socda, fududeynta isku-dubbaridka iyo waxtarka mashaariicda, iyo hubinta in dowladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinta.Dawladda Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka Diiwaanka mideysan iyo xog-keydiyaha Bulshada https://t.co/YB8o22h9Im
— Hiiraan (@hiiraan) November 3, 2021
Mudane.
Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, ayaa kulanka ka sheegay in
looga baahan yahay in hawshan wakiilka dawladda ee Wasaaradda Shaqada iyo
Arrimaha Bulshada ay dhammaystiro diiwaanka bulshada iyo kaydinta xogta.
Comments
Post a Comment