Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen GolahaWadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Wadatashiga Qaranka kala hadlay dardargelinta iyo daah-furnaanta doorashada https://t.co/EWFfT0XCP9
— SomaliPM (@SomaliPM) November 29, 2021
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha
Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto
mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo
cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan. Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.
Comments
Post a Comment