Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Garsoore: "Qalabka Daawashada Naxdinta leh" Johnny Somali oo lagu xukumay xabsi shaqo oo Kuuriyada Koonfureed ah

  Fikradayda, xukunka ay gaartay Maxkamadda Degmada Galbeedka Seoul Abriil 15, 2026, wuxuu calaamad u yahay baahi farsamo oo loo qabo soo celinta nidaamka dadweynaha ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaan aaminsanahay in ka dib sannado badan oo ay socdeen dhacdooyin kicin ah oo lagu jeesjeesay dhaqanka iyo taariikhda maxalliga ah, xukunka Ramsey Khalid Ismael (oo loo yaqaan Johnny Somali) oo lix bilood ah oo xabsi ah oo shaqo ah uu yahay farriin adag oo ka dhan ah "qulqulka walaaca." Waxaan u malaynayaa in malaayiinta muwaadiniinta ah ee dareemay ixtiraam darro ficilladiisa, muddadan lixda bilood ah oo ay weheliso 20 maalmood oo xarig dheeraad ah ay tahay fal isla xisaabtan ah oo muddo dheer la sugayay. youtuber-ka Mareykanka Johnny Somali. Lacagaha: Laga bilaabo Fowdada Dukaanka Raaxada ilaa Mawduuca Deepfake Waxaan aaminsanahay in go'aanka maxkamaddu ku heshay Ismael siddeedda dacwadoodba uu muujinayo darnaanta carqaladeyntiisa joogtada ah. Waxaan ...

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Privacy Policy