Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Madaxweyne farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay waxyeelladu ka soo gaartey abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay  ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan dalka.

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhiirrigelinaya in la garab istaago shacabka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha weli ka taagan Dalka ayaa Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar ugu deeqay howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka abaaraha.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Guddiga Gaadiidleyda iyo Ganacsatada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.  Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka. Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka. “Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaa...

Privacy Policy