Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay ergeyga Midowga Afrika u diyaargarowga Ciidamada Soomaaliya la wareegidda waajibaadka amni ee dalka.
Wakiilka Midowga Afrika, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu kala hadlay diyaarinta ciidamada Soomaaliya, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay danjire Francisco Caetano Madeira, oo ah ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga oo ay ka mid yihiin.Doorashooyinka dalka, waajibaadka AMISOM, iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah habka keliya ee lagu gaari karo xasillooni, amni, iyo dowlad-dhisidda
FM Mohamed Abdirizak received on Sunday in #Mogadishu the Special Representative of the Chairperson of the AUC (SRCC) for #Somalia, Amb. Francisco Madeira. They discussed security issues, the ongoing elections, the mandate of #AMISOM & Somalia’s Transitional Plan. pic.twitter.com/IFsIQmYakE
— SNTV News (@sntvnews1) November 7, 2021
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliyaiyo sida loogu baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu taageerayo hannaanka kala guurka ee Soomaaliya, iyadoo la hiigsanayo in la kordhiyo diyaargarowga iyo waxtarka cutubyada. dhufays iyo gaashaan u ah qaranka
Comments
Post a Comment