Shir jaraa’id oo uu goor dhow warbaahinta siiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dalka ay ku dileen in ka badan 300 oo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalo
todobaadkan ka dhacay deegaanada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo
Jubbaland, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo garab ka helayay
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Souef Mohamed El-Amine.
Ciidanka ayaa sidoo kale qabsaday dhul hor leh.
"Isku geynta tirada Khawaarijta laga dilay
howlgaladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323
xubnood.Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay
horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta khasaara badan la
gaarsiyey khawaarijta” ayuu yiri Waasiir Warfaafinta Daa’uud Aweys.
In a press conference held in #Mogadishu, on Wednesday, the Information Minister @DaudAweis highlighted #Somali National Army’s achievements in the ongoing operations against terrorists for the last seven days.#Somalia pic.twitter.com/40WHp63GaL
— SNTV News (@sntvnews1) January 25, 2023
Sida ku cad dardaarankii Xasan Sheekh Maxamuud,
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee ahaa in si deg deg ah loo bilaabo wajiga
labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii
wata ayaa tilmaamay in hadda ay howlgalo ka bilaabeen maamulada Koonfur Galbeed
iyo Jubaland.
Comments
Post a Comment