Doodaha ku saabsan mustaqbalka Yemen waxaa inta badan lagu soo koobaa xabbad-joojin, dawlado kumeel-gaar ah, ama qaabab awood-qaybsi oo dibadda laga soo hindisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal arrin oo mar walba la dhinac maro inkasta oo ay udub-dhexaad u tahay muddada uu dagaalku siday: waa maqaamka siyaasadeed ee aan weli la xallin ee Koonfurta Yemen. Taariikhda iyo Midowgii Fashilmay Koonfurta Yemen waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo caalamku aqoonsan yahay ilaa sannadkii 1990-kii, waxaana loo yaqaannay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ee Yemen (PDRY). Waxay lahayd xuduudo go’an, hay’ado dawladeed, iyo xubinimo Qaramada Midoobay ah. Heshiiskii midowga ee lala galay Waqooyiga Yemen waxaa loo soo bandhigay inuu yahay iskaashi dhex maray laba dhinac oo siman oo si mutaddawacnimo ah isugu biiray. Laakiin xaqiiqadii, midowgaas si dhakhso ah ayuu u burburay, wuxuuna horseeday dagaalkii 1994-tii iyo in si nidaamsan loo gacan-bidheeyo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ee da...
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Madaxtooyada magaalada Baydhabo kula kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kula kulmay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Maxamed Nuur Macalin.Kulanka oo casho iyo kala warqaadashaba isugu jiray ayaa waxay kaga hadleen Doorashada Senatorada Aqalka Sare, oo maalmaha soo socdo lagu wado inay ka dhacdo magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa bartiisa xiriirka dadweynaha soo dhigay qoraal u qornaa “Waxaan kulan isugu jiray casha sharaf iyo kala warqaadasho aan la qaatay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.”
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Guddiyada Doorashooyinka Hirgelinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed u gudbiyay liiska toban musharax, oo ku tartami doona shan ka mida kuraasta Koonfur Galbeed ee Aqalka Sare.


Comments
Post a Comment