Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Maka qeybgalayaa Madaxweyna shirkan?

 

Xalkan waxan kuso qaadaney shakhsi falanqeeya siyaasada oo wareysi layeelatey BBC Somali fadlan akhri si aad waxbadan uga ogaato.

Maka qeybgalayaa Madaxweyna shirkan?


Waxaa socda shirki u dhexeeyey madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka doorashada iyo fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020. Shirkan aya ah markii ugu horreysay ee Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra'iisul Wasaaraha. Dr. Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC-da Somali u sheegay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan ka furmay Muqdisho, ay ku xiran tahay "qaab farsamo ama wadahadalka looga shaqeeyo."

"Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Rooble, ka dib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha.

Dhinacyada waxay 17-kii Septmeber ee 2020, ku heshiiyaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaana ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya, balse waxaa dib uga soo noqday khilaafyo sababay in uu shirkaas dhaqangali waayo.

Ra'iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho. In kastoo aysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay.

Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan?; Dr Shariif Cusmaan wuxuu yiri: "Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor".

"Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo," ayuu hadalka ku sii daray.

Ra'iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada waxay u fadhiyaan sidii xal ugu heli lahaayeen khilaafka soo jiitamayay in muddo ah ee hor taagnaa in doorasho ay dhacdo.

Dr Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska "waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska."

"Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go'aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn".

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. "Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan".

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Oo U Digay Mucaaradka

 Tallaabooyin Adag oo Loo Qaadayo Ilaalinta Xasiloonida Caasimadda Muqdisho Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isagoo uga digay in la qaado tillaabooyin ujeeddadoodu tahay in la carqaladeeyo amniga caasimadda Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee hadalkan ayaa ah in laga hortago abaabul kasta oo maleeshiyo hubeysan oo dhaawici kara xasiloonida magaalada. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda federaalku aysan marnaba u dulqaadan doonin isku-day kasta oo hoos u dhigaya amniga guud, isagoo si gaar ah digniin u siiyay mucaaradka in ay iska fogeeyaan abaabulka kooxo hubeysan xilligan ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda ayaa caddeysay in haddii mucaaradku isku dayaan abaabul maleeshiyo, in si adag loola tacaali doono. Isagoo muujinaya qiimaha qaaliga ah ee lagu bixiyay nabadgelyada, wasiirku wuxuu xusay in naf iyo hanti badan loo huray sugidda amni...

Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Xoojinaya Xiriirkooda

  Kulan Taariikhi ah: Xoojinta Iskaashiga Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jarmalka Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa si xooggan u ballaarinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga siyaasadda iyo horumarinta si loo kobciyo is-dhexgalka iyo xasiloonida hay'adaha dowladda. Intii ay socdeen wadahadalladan istiraatiijiga ah, mas'uuliyiintu waxay muujiyeen in si dhab ah looga go'an yahay balaarinta wada-shaqeynta baarlamaanka ee u dhexeysa labada dal. Sidoo kale, madaxda ayaa ka hadlay fursadaha muhiimka ah ee lagu dhisayo iskaashi xooggan oo dhexmara ganacsiyada Soomaaliya iyo kuwa Jarmalka , iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo adkeysiga dhaqaalaha, la dhiirigeliyo maalgashiga maxalliga ah, lana fududee...

Tensions Escalate as Talks Resume Between Somaliland and Federal Government

In a region marked by historical complexities and territorial disputes, the recent resumption of talks between the federal government and the breakaway territory of Somaliland has sparked new tensions. The discussions, hosted by President Ismail Omar Guelleh of Djibouti, aimed to navigate the delicate relationship between these entities. However, these talks faced strong opposition from President Said Abdullahi Deni of Puntland, a semi-autonomous region within Somalia's northern part. Denouncing the absence of Puntland in the discussions, Deni condemned the reopening of talks, highlighting the ongoing border disputes between Puntland and Somaliland as a significant point of contention. Since February, clashes between the Somaliland army and SSC-Khatumo forces have escalated, with both sides accusing each other of instigating fatal combat in Las Anod town. This protracted conflict has contributed to heightened tensions in the region and complicated the efforts toward resolution. Som...

Somalia Joins UN FAO Commission to Combat Desert Locust Infestation

In a significant stride towards combating the persistent threat of desert locusts, Somalia has ascended to a pivotal position as the seventeenth member of the Commission for Controlling the Desert Locust in the Central Region under the United Nations Food and Agriculture Organization (FAO). This milestone membership, marked on Wednesday, solidifies Somalia's commitment to manage and mitigate the devastating impact of locusts on agriculture and food security. According to the FAO's assessments, Somalia has demonstrated remarkable advancements in constructing national institutional and technical capacities for locust management since 2020, with substantial assistance from the FAO and other partners. Shoki AlDobai, the team leader for FAO's Locusts and other Transboundary Plant Pests and Diseases, emphasized Somalia's significance as a critical breeding ground for locusts. AlDobai highlighted that Somalia's inclusion in the Commission would not only benefit the country...

Privacy Policy