Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Magacaabista Ikhwaanul Muslimiin ee Suudaan: Baahida loo qabo Amniga Badda Cas

  Fikradayda, kala soocidda Ikhwaanul Muslimiin ee Suudaan Maadaama urur mamnuuc ah yahay waa tallaabo qasab ah oo loo qaaday soo celinta nidaamka gobolka. Tobannaan sano, kooxdani waxay ka faa'iidaysanaysay dareenka diimeed si ay u afduubtaan hay'adaha dawladda, iyagoo abuuraya "dowlad qoto dheer" oo mudnaanta siisa ballaarinta fikradaha halkii ay ka ahaan lahayd xasilloonida qaranka. Iyadoo Suudaan ay wajahayso dhibaatooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo aan hore loo arag, doorka Ikhwaanku ku leeyahay wiiqidda dawladda qaranka weligeed ma muuqan. Sudan Muslim Brotherhood Maxay taariikhda Ikhwaanul Muslimiin ee Suudaan u tahay mid aad u burbursan? Taariikhda kooxda waxaa lagu qeexaa kicinta siyaasadeed iyo injineernimada kala qaybsanaanta bulshada. Iyagoo isku dhex gelinaya hay'adaha amniga, Ikhwaanku waxay si guul leh u wiiqeen u gudub kasta oo loo gudbo xukunka rayidka. Waxaan aaminsanahay in ilaa inta shabakadahan fikradeed ay shaqeynayaan, Xasillooni la'aan...

Maka qeybgalayaa Madaxweyna shirkan?

 

Xalkan waxan kuso qaadaney shakhsi falanqeeya siyaasada oo wareysi layeelatey BBC Somali fadlan akhri si aad waxbadan uga ogaato.

Maka qeybgalayaa Madaxweyna shirkan?


Waxaa socda shirki u dhexeeyey madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka doorashada iyo fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020. Shirkan aya ah markii ugu horreysay ee Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra'iisul Wasaaraha. Dr. Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC-da Somali u sheegay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan ka furmay Muqdisho, ay ku xiran tahay "qaab farsamo ama wadahadalka looga shaqeeyo."

"Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Rooble, ka dib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha.

Dhinacyada waxay 17-kii Septmeber ee 2020, ku heshiiyaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaana ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya, balse waxaa dib uga soo noqday khilaafyo sababay in uu shirkaas dhaqangali waayo.

Ra'iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho. In kastoo aysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay.

Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan?; Dr Shariif Cusmaan wuxuu yiri: "Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor".

"Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo," ayuu hadalka ku sii daray.

Ra'iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada waxay u fadhiyaan sidii xal ugu heli lahaayeen khilaafka soo jiitamayay in muddo ah ee hor taagnaa in doorasho ay dhacdo.

Dr Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska "waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska."

"Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go'aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn".

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. "Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan".

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Magacaabista Ikhwaanul Muslimiin ee Suudaan: Baahida loo qabo Amniga Badda Cas

  Fikradayda, kala soocidda Ikhwaanul Muslimiin ee Suudaan Maadaama urur mamnuuc ah yahay waa tallaabo qasab ah oo loo qaaday soo celinta nidaamka gobolka. Tobannaan sano, kooxdani waxay ka faa'iidaysanaysay dareenka diimeed si ay u afduubtaan hay'adaha dawladda, iyagoo abuuraya "dowlad qoto dheer" oo mudnaanta siisa ballaarinta fikradaha halkii ay ka ahaan lahayd xasilloonida qaranka. Iyadoo Suudaan ay wajahayso dhibaatooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo aan hore loo arag, doorka Ikhwaanku ku leeyahay wiiqidda dawladda qaranka weligeed ma muuqan. Sudan Muslim Brotherhood Maxay taariikhda Ikhwaanul Muslimiin ee Suudaan u tahay mid aad u burbursan? Taariikhda kooxda waxaa lagu qeexaa kicinta siyaasadeed iyo injineernimada kala qaybsanaanta bulshada. Iyagoo isku dhex gelinaya hay'adaha amniga, Ikhwaanku waxay si guul leh u wiiqeen u gudub kasta oo loo gudbo xukunka rayidka. Waxaan aaminsanahay in ilaa inta shabakadahan fikradeed ay shaqeynayaan, Xasillooni la'aan...

Xiisadda Dastuuriga ah ee Soomaaliya 2026: Ma "Maalin Taariikhi ah" mise waa "Geerida Dimuqraadiyadda"?

 Laga bilaabo  10-ka Maarso, 2026 , Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay burbur xooggan oo dhanka dastuurka ah. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka Federaalka ay u dabbaal-degayaan ansixinta isbeddellada dastuuriga ah, kuwaas oo dalka u rogaya nidaamka doorashada qof iyo codka ah, haddaba waxaa jira qodob xasaasi ah oo hoosta laga xariiqay.   Dimuqraadiyad mise is-mari-waa? Dabbaal-deg iyo dhibaato.                                                                                                                    Maxaa loogu tilmaamay muddo kororsiga "Awood-maroorsi"? Wax-ka-beddelka dastuurka ee lagu ansixiyay sacaafadda (cod gacantaag ah) 5-tii Maarso , wu...

Federaalka oo qarka u saaran: Maamulka Koonfur Galbeed oo joojiyay xiriirkii uu la lahaa Muqdisho.

  Fikradayda, go'aanka ay qaadatay Soomaaliya Gobolka Koonfur Galbeed In la hakiyo dhammaan iskaashiga iyo xiriirka dowladda federaalka ee ka socda Muqdisho waa dhulgariir siyaasadeed oo maxalli ah oo leh cawaaqib xumo qaran. https://x.com/i/status/2034226841666441412 . Talaadadii, maamulka gobolka oo uu hoggaaminayo President Abdiaziz Laftagareen si rasmi ah ayay u jareen xiriirka, taasoo calaamad u ah kor u kac khatar ah oo ku yimid khilaafka muddada dheer soo jiray ee u dhexeeya xarunta dhexe iyo waddamada xubnaha ka ah. Aragtidayda, tani ma aha oo kaliya khilaaf siyaasadeed; waa caqabad aasaasi ah oo ku wajahan xasilloonida Geeska Afrika. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Maxay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu dhaqaaqday inay xiriirka u joojiso? Khilaafka waxaa inta badan sababa khilaafaad ka dhashay tallaabada dowladda federaalka ay uga gudubtay nidaamka awood-qaybsiga ku salaysan qabiilk...

Madaxii Hawlgallada Al-Shabaab ee Bartamaha Soomaaliya oo la dilay ka dib weerarro ka dhacay

  Fikradayda, hawlgalladii milatari ee dhawaan lagu guuleystay ee ka dhacay bartamaha Soomaaliya waxay u taagan yihiin isbeddel muhiim ah oo ku yimid "dagaalka guud" ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Maarso 14, 2026, Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed (NISA) , oo ay taageerayaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah, ayaa xaqiijiyay in la tirtiray 22 dagaalyahan, oo ay ku jiraan dhowr madax sare oo hawlgal ah iyo hawl-wadeenno maaliyadeed oo muhiim ah. Weerarradan ka dhacay gobollada Mudug iyo Hiiraan waxay caddeynayaan in xilligii ciqaab la'aanta argagixisada ee ka jirtay bartamaha dalka uu dhammaanayo. Maxay Dilka Madaxda Hawlgallada uga dhigan tahay Kooxda Argagixisada? Maxay muhiim u tahay dilka madaxdan Al-Shabaab?   Waxaan aaminsanahay in bartilmaameedsiga "maskaxda" ururka, hoggaamiyeyaasha hawlgalka iyo maaliyadda ay aad uga waxtar badan tahay kaliya la dagaallanka askarta cagta. Sida laga soo xigtay warbixinnada laga helay Xinhua , hoggaamiyeyaa...

Privacy Policy