Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin u diray shacabka intii lagu jiray tukashada salaadda aaska ee Marxuum FarxaanQarole oo ahaa taliyihii ciidamada Booliska Muqdisho. Ma jirto meel dhexe oo aad ku istaagto, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan, ama Alshabab ayaad tihiin ama waa aad la dagaalamaysaan.
Speaking at the funeral prayer of late #Mogadishu Police Chief, Farhan Qarole, President @HassanSMohamud warned the public to deal with #Alshabab terrorists. “Either you are Alshabab or the one fighting with them, there is no middle ground to stand” said President Hassan. pic.twitter.com/VsgUpzd02k
— SNTV News (@sntvnews1) October 1, 2022
“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal
cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan
in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib
ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas”. Ayuu yiri
madaxweyne Xassan Sheakh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay aaska marxuumka oo ka dhacay
Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka. Sareeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan
oo lagu dilay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa ahaa
taliyihii qeybta guud ee booliska G/Banaadir.
Marxuum Farxaan Maxamuud Qorole, ayaa Madaxweynuhu
ku nuux-nuux saday inuu ahaa geesi go’aansaday inuu qarankiisa ka saaro
argagixisada, isla-markaana uu shacabka Somaliyeed ka difaaco dhagartooda.
Halyeygan waxa la dilay isagoo jidkaas sharafta leh raacaya.
Ganacsatada hantidooda siiya maleeshiyada Al-Shabaab
ayaa ah mid ka baxsan anshaxa, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud, dowladduna arrintaas way diidan tahay. Taas macneheedu waxa weeye
inay dhaqaale ku bixinayaan shirqoolka lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey inuu
Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka
Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Comments
Post a Comment