Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay si madaxbanaan isu maamulayaan inta laga diyaarinayo dastuur iyo afti dadweyne.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay si madaxbanaan isu maamulayaan inta laga diyaarinayo dastuur iyo afti dadweyne.
Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu noqon doono dowlad madax banaan ilaa inta ay ka soo baxayaan dastuurka dalka, codna loogu qaadi doono. Puntland ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay Isniintan  ku sheegtay inay si gaar ah ugala xaajoon doonto dowladda federaalka si loo dhameystiro dastuurka federaalka iyo in la gaaro heshiisyo siyaasadeed oo ku saabsan awood qeybsiga, habaynta amniga, iyo heshiisyada mideynta deeqaha caalamiga ah.

Puntland waxay sii wadi doontaa wada shaqaynta ay la leedahay Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ogolaan doonto wasiiradeeda in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadantinimada iyo mashaariicda horumarineed ee ay la leeyihiin dhiggooda FMS.

Puntland ayaa ka hor inta aan la dhameystirin qaab dhismeedka federaalka Soomaaliya waxa ay ku doodday in dowladda federaalka ah ay muhiimad gaar ah siiso sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab iyo ururada kale ee nabad diidka ah iyo sidoo kale xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee mudada dheer soo jiitamayay ee ka dhex aloosan maamulada Somaliland iyoPuntland.

Ka hor inta aan la qaadin afti guud oo dalka oo dhan ah, waxaa loo baahan yahay in heshiisyo laga gaaro mowqifka siyaasadeed ee Muqdisho, nidaamka federaalka, dastuurka iyo toosinta dastuurka federaalka iyo Puntland. Munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradiisii ​​afaraad ee xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay waddo qorshe dib loogu soo celinayo maamulkii dhexe ee federaalka.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ugu dambeeyay ayuu ku andacoonayay in uu diiday in uu saxiixo labo qodob maadaama ay ka soo horjeedaan Federaalka. Afar ka mid ah shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada, marka laga reebo Puntland, waxay ku gaareen heshiis ku saabsan hannaanka amniga qaranka iyo awood qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada shirkii ka dhacay Muqdisho todobaadkii hore.

In la helo xasilooni siyaasadeed, dhameystirka dastuurka, dhismaha hay’adaha qaranka, gaar ahaan guddiyada doorashada iyo dastuurka, ayaa ka mid ah hiigsiga dhow ee dowladda federaalka ah ee 2023-ka.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Sudan iyo Eedeymaha Hubka Kiimikada: Cadaadis Caalami ah

  Sudan oo Wajahaysa Cadaadis Caalami ah oo ku Saabsan Eedeymaha Hubka Kiimikada Eedeymaha sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan ay adeegsadeen hub kiimiko ku salaysan koloriin ayaa mar kale soo jiitay dareenka caalamka. Maraykanka, Jarmalka, Australia, Finland iyo Belgium ayaa Sudan wax ka weydiiyey eedeymahan intii lagu jiray kulankii 113-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo ka dhacay magaalada The Hague intii u dhexeysay 6 iyo 9 Oktoobar 2026. Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna arrintan ka hadlay. Dalalkan waxay doonayaan in su'aalaha laga qabo hubka la sheegay in la isticmaalay lagu wajaho baaritaan cad iyo xog la xaqiijin karo. Akhri warbixinta EU Today . Dalalka Caalamka oo Dalbanaya Jawaabo Cad Kulanka OPCW waxaa si weyn diiradda loogu saaray baahida loo qabo in dowladda Sudan ay si faahfaahsan uga jawaabto eedeymaha. Jarmalku wuxuu ku baaqay in la dhammaystiro baaritaanka gudaha dalka, natiijadi...

Somalia's Humanitarian Crisis: A Call to Action

In recent reports, the United Nations has sounded the alarm over Somalia's deepening humanitarian crisis, which has left millions of people struggling to access basic necessities like food and water. Joyce Msuya, Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs, and Beth Bechdol, Deputy Director-General of the Food and Agriculture Organization, recently visited Somalia to witness the situation firsthand and draw attention to the urgent needs of its people. The crisis in Somalia has been exacerbated by severe climatic events, including the worst drought in four decades followed by devastating floods. As a result, four million Somalis, constituting 21% of the population, are facing extreme food shortages. Children are particularly vulnerable, with approximately 1.7 million under the age of five suffering from acute malnutrition, including 430,000 who are severely malnourished. Despite ongoing efforts to address the crisis, challenges such as insufficient funding and logistical ba...

Puntland oo lagu doortay shan xubnood oo ka mid noqonaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garoowe caasimadda Puntland waxa ku kala guulaystay murashaxiinta kala ah. 1-HOP#235 C/laahi Bidhaan Warsame. 2-HOP#200 Cali Yuusuf Cali. 3-HOP#196 Cabdi Ibraahim Warsame. 4-HOP#249 C/laahi Xasan Rooble. 5-HOP#166 Axmed Cabdi Xaashi. The electoral delegates of #Puntland State have elected on Saturday in #Garowe five MPs including one Federal Minister and two regional Ministers to House of People of Federal Parliament. #Somalia pic.twitter.com/NYiTMyO0wT — SNTV News (@sntvnews1) January 22, 2022

Privacy Policy