Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Dagaalka Suudaan: Doorka Masar, Turkiga iyo Eritrea ee Geeska Afrika

  Dagaalka Suudaan: Xiriirka Masar, Turkiga iyo Eritrea iyo Saameynta uu ku leeyahay Geeska Afrika Dagaalka ka socda Suudaan wuxuu noqday arrin amni oo saameyn ku leh dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika. Tan iyo markii uu dagaalku billowday Abriil 2023, ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF), oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, iyo ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ayaa ku dagaallamayay awoodda dalka. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka militari, danaha dhaqaale iyo taageerada dibadda ayaa sii kordhiyay muhiimadda gobolka ee colaaddan. Hay'adda Midowga Yurub ee Arrimaha Magangalyada (EUAA) waxay faahfaahin ka bixisay doorka dalalka shisheeye, gaar ahaan Masar iyo Turkiga, ee dagaalka Suudaan. Xiriirka Suudaan iyo Masar: Danaha Beeraha iyo Taageerada Milatari Masar iyo Suudaan waxay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku salaysan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo arrimaha webiga Niil. Xuduudda ay wadaagaan iyo muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Suudaan waxay Masar siina...

Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay lacag ugu uruurineyso dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii Turkiga

Guddiga cusub ee gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho dhaqaalo uruurin. Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, culumaa’udiin, ganacsato, iyo wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ah ayaa goob joog ka ahaa munasabada lagu soo bandhigayay mashruucan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ujeedka ayaa ah in saddex maalmood gudahood lagu aruuriyo 5 milyan oo dollar, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo sidoo kale shaaca ka qaaday in dalkiisa uu hal milyan oo doollar ugu deeqay gurmadka dhulgariirka. Waxa uu ku andacoodey in marka laga soo tago caqabadaha hadda Soomaaliya ka jira dal ahaan, sida abaaro iyo dagaal, haddana aysan taariikhdu cafin doonin Soomaaliya haddii aysan maanta garab istaagin wadanka saaxiibka ay yihiin ee Turkiga.

Soomaaliya waxay fursad u haysataa inay wax uun dib ugu celiso “walaalaha Turkiga” sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Fiqi."Waa fursad lagu muujinayo in Soomaaliya aysan ka tagin saaxiibkeed,"

Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed Axmed Shirwac ayaa la sheegay in uu ku dhawaaqay lacag dhan 3 Milyan oo Doollar oo uu u soo wakiishay Ganacsatada Soomaaliyeed, taasi oo loogu tala galay in loogu gurmado dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga, taasi oo wadarta guud ee dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ugu deeqeen 4 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

In kastoo dhulgariirkii mataanaha ahaa ee ku dhuftay koonfurta Turkiga ay horay u galaaftay nolosha in ka badan 38,000, haddana waxaa jirta rajo wanaagsan iyadoo dad badan oo badbaaday ay soo ifbaxayaan. In ka badan 13 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay magnitude 7.7 iyo 7.6 dhulgariirrada ku dhuftay 6-dii Febraayo oo ku urursan gobolka Kahramanmaras. 11-kaas gobol waxaa ka mid ahaa Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Gaziantep, Hatay, Kilis, Malatya, Osmaniye, Sanliurfa, iyo Elazig.

Dhulgariirada xooggan ee ku dhuftay Turkiga wax ka yar 10 saacadood ayaa sidoo kale laga dareemay dalal kale oo gobolka ku yaalla oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Somali Forces Strike Blow Against Al-Shabab: 80 Extremists Killed in Central Offensive

Somalia's fight against terrorist group al-Shabab took a significant step forward on Tuesday, with the Somali National Army (SNA) confirming the deaths of at least 80 militants in central Somalia. General Dayah Abdi Abdulle, the country's land forces commander, announced the successful operation, praising the collaboration between the SNA, Galmudug forces, and local troops. Central Offensive Liberates Communities in Mudug Region: The military actions centered on the Mudug region, specifically in the Aad and Barag Sheikh Ismail areas near Harardhere district. These strategic locations were liberated from al-Shabab control, bringing security and respite to previously marginalized communities. Continued Focus on Combating Terrorism: General Abdulle emphasized that the Mudug offensive forms part of a wider strategy targeting al-Shabab strongholds throughout Somalia. This includes ongoing operations in the southern state of Jubaland and ongoing efforts in Hirshabelle. Somalia...

Kenya Declares Surprise Public Holiday for Statewide Tree Planting Day

In a groundbreaking move to combat climate change and boost its forest cover, the Kenyan government has declared a surprise public holiday on November 13, 2023, dedicated to a massive tree planting initiative. This action is part of Kenya's ambitious plan to plant 15 billion trees by 2032, aimed at mitigating the devastating effects of climate change. The announcement came following a cabinet meeting presided over by President William Ruto, and Interior Minister Kithure Kindiki made the official declaration via a gazette notice on the social network X (formerly known as Twitter). Kindiki emphasized that this public holiday is an opportunity for the public to contribute patriotically to the national effort to combat the severe consequences of climate change. Currently, Kenya's forest cover stands at just around 7% of its land area. To address this, the Kenyan government has allocated over $80 million for the current fiscal year, with the goal of increasing the forest cover to mo...

UAE's Floating Hospital: A Lifeline for Gazans in Need

In the heart of the city, inside Al Arish, a very special medical project is changing the life of Gazans hit by continuous war. Constructed within the compound of Operation Chivalrous Knight 3, the UAE Floating Hospital is among the few beacons of hope offering much-needed medical interventions to the most needy people. The hospital had executed more than 1,263 various surgeries since its operative date on February 24, 2024, providing life-saving interventions for the injured and much-needed medical treatment. A lifeline in time of crisis For Palestinians who have experienced terrible losses, the UAE Floating Hospital is a lifeline rather than only a symbol of cutting-edge medical technologies. The Prosthetics Centre of this project is among the most amazing features as the committed medical team there is working nonstop to give people who have lost limbs during the conflict mobility and dignity. So far the facility has fitted seven patients whereas plans are underway to manuf...

Strengthening Partnerships: Nigeria and UAE's Collaborative Efforts in the Solid Minerals Sector

  Nigeria and the UAE are poised to deepen their economic ties, particularly in the solid minerals sector. Following a recent courtesy visit by UAE Ambassador H.E. Salem Shaeed Al Shamsi, Nigeria's Minister of Solid Minerals Development, Dr. Dele Alake, emphasized the importance of this collaboration. The two nations aim to regulate gold exports, which have often been illegal, by establishing a framework that legitimizes trade and maximizes mutual benefits. Dr. Alake noted Nigeria's wealth of sought-after minerals and the UAE's position as a key player in mineral trade. To further strengthen this partnership, discussions are underway to enhance technology transfer, vital for advancing Nigeria’s mining capabilities. Additionally, the lifting of visa restrictions between the two countries opens doors for increased cooperation. Looking ahead, an upcoming Nigeria-UAE economic forum is set to attract 30-35 major companies from the Middle East, aiming to boost foreign direct inve...

Privacy Policy