Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay lacag ugu uruurineyso dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii Turkiga

Guddiga cusub ee gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho dhaqaalo uruurin. Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, culumaa’udiin, ganacsato, iyo wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ah ayaa goob joog ka ahaa munasabada lagu soo bandhigayay mashruucan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ujeedka ayaa ah in saddex maalmood gudahood lagu aruuriyo 5 milyan oo dollar, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo sidoo kale shaaca ka qaaday in dalkiisa uu hal milyan oo doollar ugu deeqay gurmadka dhulgariirka. Waxa uu ku andacoodey in marka laga soo tago caqabadaha hadda Soomaaliya ka jira dal ahaan, sida abaaro iyo dagaal, haddana aysan taariikhdu cafin doonin Soomaaliya haddii aysan maanta garab istaagin wadanka saaxiibka ay yihiin ee Turkiga.

Soomaaliya waxay fursad u haysataa inay wax uun dib ugu celiso “walaalaha Turkiga” sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Fiqi."Waa fursad lagu muujinayo in Soomaaliya aysan ka tagin saaxiibkeed,"

Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed Axmed Shirwac ayaa la sheegay in uu ku dhawaaqay lacag dhan 3 Milyan oo Doollar oo uu u soo wakiishay Ganacsatada Soomaaliyeed, taasi oo loogu tala galay in loogu gurmado dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga, taasi oo wadarta guud ee dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ugu deeqeen 4 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

In kastoo dhulgariirkii mataanaha ahaa ee ku dhuftay koonfurta Turkiga ay horay u galaaftay nolosha in ka badan 38,000, haddana waxaa jirta rajo wanaagsan iyadoo dad badan oo badbaaday ay soo ifbaxayaan. In ka badan 13 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay magnitude 7.7 iyo 7.6 dhulgariirrada ku dhuftay 6-dii Febraayo oo ku urursan gobolka Kahramanmaras. 11-kaas gobol waxaa ka mid ahaa Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Gaziantep, Hatay, Kilis, Malatya, Osmaniye, Sanliurfa, iyo Elazig.

Dhulgariirada xooggan ee ku dhuftay Turkiga wax ka yar 10 saacadood ayaa sidoo kale laga dareemay dalal kale oo gobolka ku yaalla oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Sudan iyo Eedeymaha Hubka Kiimikada: Cadaadis Caalami ah

  Sudan oo Wajahaysa Cadaadis Caalami ah oo ku Saabsan Eedeymaha Hubka Kiimikada Eedeymaha sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan ay adeegsadeen hub kiimiko ku salaysan koloriin ayaa mar kale soo jiitay dareenka caalamka. Maraykanka, Jarmalka, Australia, Finland iyo Belgium ayaa Sudan wax ka weydiiyey eedeymahan intii lagu jiray kulankii 113-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo ka dhacay magaalada The Hague intii u dhexeysay 6 iyo 9 Oktoobar 2026. Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna arrintan ka hadlay. Dalalkan waxay doonayaan in su'aalaha laga qabo hubka la sheegay in la isticmaalay lagu wajaho baaritaan cad iyo xog la xaqiijin karo. Akhri warbixinta EU Today . Dalalka Caalamka oo Dalbanaya Jawaabo Cad Kulanka OPCW waxaa si weyn diiradda loogu saaray baahida loo qabo in dowladda Sudan ay si faahfaahsan uga jawaabto eedeymaha. Jarmalku wuxuu ku baaqay in la dhammaystiro baaritaanka gudaha dalka, natiijadi...

Somalia's Humanitarian Crisis: A Call to Action

In recent reports, the United Nations has sounded the alarm over Somalia's deepening humanitarian crisis, which has left millions of people struggling to access basic necessities like food and water. Joyce Msuya, Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs, and Beth Bechdol, Deputy Director-General of the Food and Agriculture Organization, recently visited Somalia to witness the situation firsthand and draw attention to the urgent needs of its people. The crisis in Somalia has been exacerbated by severe climatic events, including the worst drought in four decades followed by devastating floods. As a result, four million Somalis, constituting 21% of the population, are facing extreme food shortages. Children are particularly vulnerable, with approximately 1.7 million under the age of five suffering from acute malnutrition, including 430,000 who are severely malnourished. Despite ongoing efforts to address the crisis, challenges such as insufficient funding and logistical ba...

Puntland oo lagu doortay shan xubnood oo ka mid noqonaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garoowe caasimadda Puntland waxa ku kala guulaystay murashaxiinta kala ah. 1-HOP#235 C/laahi Bidhaan Warsame. 2-HOP#200 Cali Yuusuf Cali. 3-HOP#196 Cabdi Ibraahim Warsame. 4-HOP#249 C/laahi Xasan Rooble. 5-HOP#166 Axmed Cabdi Xaashi. The electoral delegates of #Puntland State have elected on Saturday in #Garowe five MPs including one Federal Minister and two regional Ministers to House of People of Federal Parliament. #Somalia pic.twitter.com/NYiTMyO0wT — SNTV News (@sntvnews1) January 22, 2022

Privacy Policy