Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Odayaasha Galmudug ayaa balan qaaday in ay garab istaagi doonaan dadaalada la dagaalanka Argagixisada

Kadib kulan ay xalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug kula yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Odayaasha Dhaqanka Galmudug, ayaa waxay wacad ku mareen inay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan dadaalka ay Dowladda Federalka Somaliya ugu jirto sidii dalka looga xoreyn lahaa argagixisada. Arintaan ayaa timid kadib markii uu shirku ka dhacay xarunta maamulka Galmudug.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweyne Maxamuud ku tilmaamay doorka muhiimka ah ee Odayaasha Dhaqanka Galmudug ay ku leeyihiin qorshaha la dagaalanka Argagixisada. Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay hormuud ka yihiin abaabulka bulshada, dhiirri gelinta, latalinta, iyo taakuleynta ciidamada qalabka sida si loo xoreeyo deegaanada ku harsan deegaanada maamulka Galmudug ee gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabaya caqabada baaxadda leh ee Galmudug ay hordhigeen Khawaarijta, oo ah erey tilmaamaya shaqsiyaadka ka leexday Diinta Islaamka, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku nuux-nuux saday mas’uuliyadda odayaashu ka saaran tahay isu soo dhaweynta shacabka iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan gacan-siinta Ciidanka Qaranka ee ciribtirka argagixisada. kuwaas oo masuul ka ah dhimashada dadka aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay doorka ay odayaasha ka qaadanayaan midnimada shacabka.

Axadii, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, ee ka socda dalka. Waxa uu shaaca ka qaaday in dhawaan la joojin doono howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, islamarkaana howlgalka xiga la qorsheynayo in laga fuliyo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay diyaarineyso ku dhawaad ​​10,000 oo askari si ay uga qeyb qaataan wejiga labaad ee howlgalka, kaasi oo lagu ciribtirayo saameynta Al-Shabaab.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bogaadiinta   dadaallada Guddiga FEIT kadib kula dar daarmayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaataan shahaadadooda xildhibaannimo, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii xildhibaanada loo dhaarin lahaa si ay u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT . Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray 1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay   Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir 2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay  Mudane Xasan Cali Yuusuf Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah: 1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur 2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed 3. Cabdijabbaar Cabdullaa...

UK oo ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya lacag dheeri ah oo dhan £2.3 milyan.

Iyada oo qayb ka ah kaalmada dhinaca amniga ee ay siiso Soomaaliya, dawladda UK ayaa ogolaatay £2.3 milyan oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada milateriga Soomaaliya. Kulan ay Muqdisho kula qaadatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Kati Foster oo ah Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday kaalmadan lacageed. Si Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegto howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS sanadka 2024, UK waxa ay dowladda Soomaaliya kala kaashaneysaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka. Bishii May, Wasiirka Difaaca UK ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ammaanka dalka iyo xasilloonida gobolka ay sii kordhinayaan dadaallo iskaashi. Wasiirka ayaa sheegay in UK ay ka go’an tahay horumarinta xasiloonida gobolka oo ay ku jirto tan Soomaaliya. The Defence Minister @Amohamednur has on Wednesday met with #UK ambassador to Somalia @KFosterFCDO and discussed security cooperation between the two countrie...

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Safiirka JFS ee dalka Masar ayaa la kulmay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira.

Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta magaalada Qaahira ayaa kulan la qaatay Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif, Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta Qaahira, isagoo kala hadlay arrimooyin dhowr ah. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Soomaaliya siiso xaruntan oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dawlada, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada ay qabato Xarunta Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hormar waara. wuxuuna ku ammaanay Masar sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayso dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.

Privacy Policy