Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo.

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo
Doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Doorashada oo ka qabsoontay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa kormeerayaal caalami ah, wakiilo ka socday guddiyada doorashooyinka, waxaana maanta halkaasi lagu soo doortay shan Xildhibaan.

Xubnaha kuraasta Golaha Shacabka ee maanta ku guuleystay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa horey kuraasta beelahooda ku matalayay oo dib markale loo doortay iyo qaar kale oo cusub oo ku soo baxay doorashada maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Koonfur GalbeedSoomaaliya Mudane Nuuradiin Ibraahim ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shan kursi ay qabteen maanta, isla markaana si guul ah ay ugu soo dhamaatay doorashada.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha Janaayo 2022, waxaa inoo qabsoomay doorashadii Golaha Shacabka, shan kursi oo ka mid ah 11-ka kursi ee aan shaacinay, shanta kursi waxa ay kala ahaayeen kuraastooda Hope#176, Hope#184, Hope#85, Hope#46 iyo Hope#156”. Ayuu yiri Nuuradiin.

1.    Xasa Cabdinuur ayaa ku guuleystay kursiga koowaad ee tartankii maanta Hope#184, kaasi oo horey uga tirsanaa Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.

2.    Shariif Maxamed Cabdullaahi ayaa isna ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hope#85, kaas oo markale dib loogu doortay Xilka Xildhibaannimada.

3.    Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay Hope#46,

4.    Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay Hope#156 iyo

5.    Maxamed Mursal Maxamuud ayaa isna ku soo baxay kursiga sumadiisu yahay Hope#176

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in todobaadka soo socda ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaliya.

Horey waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah lagu soo doortay 11 kursi, waxaana tirada guud ee Baydhabo laga soo doortay ay gaareysaa 16-Xildhibaan.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Oo U Digay Mucaaradka

 Tallaabooyin Adag oo Loo Qaadayo Ilaalinta Xasiloonida Caasimadda Muqdisho Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isagoo uga digay in la qaado tillaabooyin ujeeddadoodu tahay in la carqaladeeyo amniga caasimadda Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee hadalkan ayaa ah in laga hortago abaabul kasta oo maleeshiyo hubeysan oo dhaawici kara xasiloonida magaalada. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda federaalku aysan marnaba u dulqaadan doonin isku-day kasta oo hoos u dhigaya amniga guud, isagoo si gaar ah digniin u siiyay mucaaradka in ay iska fogeeyaan abaabulka kooxo hubeysan xilligan ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda ayaa caddeysay in haddii mucaaradku isku dayaan abaabul maleeshiyo, in si adag loola tacaali doono. Isagoo muujinaya qiimaha qaaliga ah ee lagu bixiyay nabadgelyada, wasiirku wuxuu xusay in naf iyo hanti badan loo huray sugidda amni...

Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Xoojinaya Xiriirkooda

  Kulan Taariikhi ah: Xoojinta Iskaashiga Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jarmalka Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa si xooggan u ballaarinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga siyaasadda iyo horumarinta si loo kobciyo is-dhexgalka iyo xasiloonida hay'adaha dowladda. Intii ay socdeen wadahadalladan istiraatiijiga ah, mas'uuliyiintu waxay muujiyeen in si dhab ah looga go'an yahay balaarinta wada-shaqeynta baarlamaanka ee u dhexeysa labada dal. Sidoo kale, madaxda ayaa ka hadlay fursadaha muhiimka ah ee lagu dhisayo iskaashi xooggan oo dhexmara ganacsiyada Soomaaliya iyo kuwa Jarmalka , iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo adkeysiga dhaqaalaha, la dhiirigeliyo maalgashiga maxalliga ah, lana fududee...

Somalia Joins UN FAO Commission to Combat Desert Locust Infestation

In a significant stride towards combating the persistent threat of desert locusts, Somalia has ascended to a pivotal position as the seventeenth member of the Commission for Controlling the Desert Locust in the Central Region under the United Nations Food and Agriculture Organization (FAO). This milestone membership, marked on Wednesday, solidifies Somalia's commitment to manage and mitigate the devastating impact of locusts on agriculture and food security. According to the FAO's assessments, Somalia has demonstrated remarkable advancements in constructing national institutional and technical capacities for locust management since 2020, with substantial assistance from the FAO and other partners. Shoki AlDobai, the team leader for FAO's Locusts and other Transboundary Plant Pests and Diseases, emphasized Somalia's significance as a critical breeding ground for locusts. AlDobai highlighted that Somalia's inclusion in the Commission would not only benefit the country...

Assessing the Role of the Current Minister of Defense in Somalia's Fight Against Terrorism

In recent times, there has been growing scrutiny and debate surrounding the role of the Minister as the Minister of Defense in Somalia. While some commend his efforts in countering the agility of #Khawarijta, others have expressed concerns and criticisms regarding his tenure in this crucial position. It's essential to acknowledge that Minister did not initially pursue a career in defense, and his appointment was perceived by some as a stroke of luck. This raises questions about whether his background and qualifications align with the responsibilities of leading Somalia's defense efforts. Critics argue that a change in leadership might be necessary to address the ongoing challenges posed by terrorist groups. The ongoing fight against #Khawarijta is a matter of utmost importance for Somalia's security and stability. It requires a leader who can effectively coordinate efforts, enhance intelligence capabilities, and ensure the armed forces are well-prepared and equipped. Some c...

Privacy Policy