Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo.

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo
Doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Doorashada oo ka qabsoontay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa kormeerayaal caalami ah, wakiilo ka socday guddiyada doorashooyinka, waxaana maanta halkaasi lagu soo doortay shan Xildhibaan.

Xubnaha kuraasta Golaha Shacabka ee maanta ku guuleystay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa horey kuraasta beelahooda ku matalayay oo dib markale loo doortay iyo qaar kale oo cusub oo ku soo baxay doorashada maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Koonfur GalbeedSoomaaliya Mudane Nuuradiin Ibraahim ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shan kursi ay qabteen maanta, isla markaana si guul ah ay ugu soo dhamaatay doorashada.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha Janaayo 2022, waxaa inoo qabsoomay doorashadii Golaha Shacabka, shan kursi oo ka mid ah 11-ka kursi ee aan shaacinay, shanta kursi waxa ay kala ahaayeen kuraastooda Hope#176, Hope#184, Hope#85, Hope#46 iyo Hope#156”. Ayuu yiri Nuuradiin.

1.    Xasa Cabdinuur ayaa ku guuleystay kursiga koowaad ee tartankii maanta Hope#184, kaasi oo horey uga tirsanaa Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.

2.    Shariif Maxamed Cabdullaahi ayaa isna ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hope#85, kaas oo markale dib loogu doortay Xilka Xildhibaannimada.

3.    Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay Hope#46,

4.    Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay Hope#156 iyo

5.    Maxamed Mursal Maxamuud ayaa isna ku soo baxay kursiga sumadiisu yahay Hope#176

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in todobaadka soo socda ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaliya.

Horey waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah lagu soo doortay 11 kursi, waxaana tirada guud ee Baydhabo laga soo doortay ay gaareysaa 16-Xildhibaan.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy