Guddiga Maamulka Doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 10 kursi oo golaha shacabka JFS.
GuddigaMaamulka Doorashada heer Dowladd Goboleed (SEIT EE Puntland ) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 10 kursi oo ah kuraastii horey loo shaaciyay.
War qoraal ah oo guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in 17- Bishaan oo Bari ku beegan ay bilaaban doonto Diwaangalinta,tababarka iyo shaacinta guddiyada xulista ergada wax dooraneyso,halka 18-ka la soo gudbinayo ergada la hubinayo, diwaangalinta iyo tababarka ergada, sidoo kale 20-ka Bishaan ay bilaabaneysa Qabashada araajida, diliwaangalinta iyo hubinta dhamaystirka iyo shuruudaha musharaxnimo.
Guddiga waxa ay sidokale shaaciyay in 21-ka Bishaan la qabanayo doorashada qaybta 1aad ee kuraasta Golaha Shacabka ee la shaaciyay.
The State Elections Implementation Team of #Puntland has begun the process for the House of People elections. The team announced on Sunday that the elections of first 10 seats will be held on 22 of January and 25th of Jan.#Somalia pic.twitter.com/YvPMsbBdts
— SNTV News (@sntvnews1) January 16, 2022
Comments
Post a Comment