Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Sudan iyo Eedeymaha Hubka Kiimikada: Cadaadis Caalami ah

  Sudan oo Wajahaysa Cadaadis Caalami ah oo ku Saabsan Eedeymaha Hubka Kiimikada Eedeymaha sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan ay adeegsadeen hub kiimiko ku salaysan koloriin ayaa mar kale soo jiitay dareenka caalamka. Maraykanka, Jarmalka, Australia, Finland iyo Belgium ayaa Sudan wax ka weydiiyey eedeymahan intii lagu jiray kulankii 113-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo ka dhacay magaalada The Hague intii u dhexeysay 6 iyo 9 Oktoobar 2026. Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna arrintan ka hadlay. Dalalkan waxay doonayaan in su'aalaha laga qabo hubka la sheegay in la isticmaalay lagu wajaho baaritaan cad iyo xog la xaqiijin karo. Akhri warbixinta EU Today . Dalalka Caalamka oo Dalbanaya Jawaabo Cad Kulanka OPCW waxaa si weyn diiradda loogu saaray baahida loo qabo in dowladda Sudan ay si faahfaahsan uga jawaabto eedeymaha. Jarmalku wuxuu ku baaqay in la dhammaystiro baaritaanka gudaha dalka, natiijadi...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo soo geba-gebaayey booqasho afar maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo heshiis saxiixisadey
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya,ayaa ka soo laabtay safar afar maalmood qaatay oo uu ku joogay dalka Eritrea. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya booqday mashaariic horumarineed oo kala duwan iyo milatariga Soomaaliya oo muddo saddex sano ah tababar ku joogay dalka Eritrea waxaana ku wehelinaayay Madaxweyne Afwerki.

"Kadib safar shaqo oo afar maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Ereteriya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa intii uu safarka ku jiray waxa uu la kulmay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki. Sidoo kale waxa uu booqday askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo tababar ciidan ku soo qaatay dalka Eritrea."

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku heshiiyey qodobbada soo socda ee heshiiska ay kala saxiixdeen ka hor inta aysan labada Madaxweyne ka dhoofin Qaranka, isla markaana lagu baahiyey bogga Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea.

1. Horumarinta xidhiidhka labada shacab oo ay ku jiraan kuwa qurbaha.

2. Si ay u ilaashadaan una horumariyaan danahooda qaran waa in ay xoojiyaan wada shaqayntooda siyaasadeed iyo mid dublamaasiyadeed.

3. Kordhinta ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka, iyo iskaashiga waxbarashada.

4- Dhiirigelinta iskaashiga dhinacyada dhaqanka, fanka, ciyaaraha, sayniska iyo tignoolajiyada

5. Dhiirigelinta iskaashiga la dagaalanka cudurrada faafa, ilaalinta deegaanka, iyo horumarinta. Si loo joogteeyo nabadda, xasilloonida iyo amniga, waa in la xoojiyaa iskaashiga difaaca iyo amniga.

7. In la iska kaashado kobcinta niyadda, iskaashiga, iyo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Puntland oo lagu doortay shan xubnood oo ka mid noqonaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garoowe caasimadda Puntland waxa ku kala guulaystay murashaxiinta kala ah. 1-HOP#235 C/laahi Bidhaan Warsame. 2-HOP#200 Cali Yuusuf Cali. 3-HOP#196 Cabdi Ibraahim Warsame. 4-HOP#249 C/laahi Xasan Rooble. 5-HOP#166 Axmed Cabdi Xaashi. The electoral delegates of #Puntland State have elected on Saturday in #Garowe five MPs including one Federal Minister and two regional Ministers to House of People of Federal Parliament. #Somalia pic.twitter.com/NYiTMyO0wT — SNTV News (@sntvnews1) January 22, 2022

Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka

  Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharci taariikhi ah oo la dagaalanka argagixisada oo uu saxiixay madaxweynaha.

Sharci cusub oo la dagaalanka argagixisada oo ujeedadiisu tahay in la helo qaab sharci ah oo lagu caawinayo hay’adaha ammaanka dowladda si ay si wanagsan ula dagaalamaan iyo ciribtirka argagixisada Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Dood iyo falanqeyn toddobaadyo ah ka dib, xildhibaanada ayaa waxa ay ku meel mariyeen sharcigan 133-3, halka 7 ay ka aamuseen, waxaana sharcigan uu Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ku tilmaamay sharci muhiim u ah in dalka Geeska Afrika uu noqdo mid nabad ah. “Sharcigani waxa uu lama huraan u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna imaanayaa xilli aan aad ugu baahanahay in aan gudano waajibaadkeena qaran ee ka hortagga falalka argagixisanimo iyo burburinta argagixisada,” ayuu ku dhawaaqay Salaad. “Maanta sharci dumarka iyo carruurta ka ilaalinaya weerarrada argagixisada, seef af badanna u ah hay’adaha amniga dowladda si loo cirib tiro argagixisada ayaa lagu guuleystay...

Somalia's Humanitarian Crisis: A Call to Action

In recent reports, the United Nations has sounded the alarm over Somalia's deepening humanitarian crisis, which has left millions of people struggling to access basic necessities like food and water. Joyce Msuya, Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs, and Beth Bechdol, Deputy Director-General of the Food and Agriculture Organization, recently visited Somalia to witness the situation firsthand and draw attention to the urgent needs of its people. The crisis in Somalia has been exacerbated by severe climatic events, including the worst drought in four decades followed by devastating floods. As a result, four million Somalis, constituting 21% of the population, are facing extreme food shortages. Children are particularly vulnerable, with approximately 1.7 million under the age of five suffering from acute malnutrition, including 430,000 who are severely malnourished. Despite ongoing efforts to address the crisis, challenges such as insufficient funding and logistical ba...

Privacy Policy