Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay saaxiibada caalamka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay saaxiibada caalamka
Talaadadii waxaa Baydhabo booqasho ku tagay saaxiibada ugu waaweyn ee Soomaaliya, oo uu hogaaminayo James Swan, ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Inta ay halkaasi ku sugnaayeen ayaa waxa ay kulan la qaateen Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareenoo ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Saaxiibada caalamku waxay ka wadahadleen horumarka dhinacyada siyaasadda, bini’aadantinimada, iyo amniga ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo Koonfur Galbeed. James Swan oo ah wakiilka Qaramada Midoobay oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in saaxiibada caalamka ay si weyn u soo dhaweeyeen dhismaha golaha deegaanka degmada Xudur.

Iyadoo shacabka Koonfur Galbeed ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan ajendaha dadweynaha, “waxaan carrabka ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in dadka la siiyo goob ay ku cabiri karaan si xor ah, oo ay ku jirto xorriyadda isu imaatinka, abaabulka iyo warbaahinta,” ayuu yiri Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay SoomaaliyaJames Swan.

Xaalada bini'aadantinimo ayaa aad uga sii dartay in badan oo ka mid ah Soomaaliya taas oo ka dhalatay abaarta sii xumaanaysa. Cunto-la'aanta ayaa heerar degdeg ah ku jirta malaayiin qof oo dalka oo dhan ah. Si wax looga qabto xaaladda bini'aadantinimo ee sii xumaanaysa iyo shuruudaha sii kordhaya, gargaarka waa in isla markiiba kor loo qaado. Xaalada bini’aadantinimo ee sii kordheysa ee heysata shacabka ku nool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa u guuray abaarta ayaa walaac ku beertay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, sida ay sheegeen.

“Amniga ayaa weli ah mudnaanta koowaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Madaxweyne, waxaan kaaga mahadcelineynaa Mudane Madaxweyne dadaalkaaga joogtada ah ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ee ku sugan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed, kulankii aan maanta yeelanay. Waxaan ku celinay go'aankeena ah inaan si dhow ula shaqeyno laamaha ammaanka ee Koonfur Galbeed si looga gudbo caqabadaha,” ayuu yidhi.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bogaadiinta   dadaallada Guddiga FEIT kadib kula dar daarmayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaataan shahaadadooda xildhibaannimo, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii xildhibaanada loo dhaarin lahaa si ay u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT . Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray 1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay   Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir 2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay  Mudane Xasan Cali Yuusuf Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah: 1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur 2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed 3. Cabdijabbaar Cabdullaa...

UK oo ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya lacag dheeri ah oo dhan £2.3 milyan.

Iyada oo qayb ka ah kaalmada dhinaca amniga ee ay siiso Soomaaliya, dawladda UK ayaa ogolaatay £2.3 milyan oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada milateriga Soomaaliya. Kulan ay Muqdisho kula qaadatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Kati Foster oo ah Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday kaalmadan lacageed. Si Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegto howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS sanadka 2024, UK waxa ay dowladda Soomaaliya kala kaashaneysaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka. Bishii May, Wasiirka Difaaca UK ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ammaanka dalka iyo xasilloonida gobolka ay sii kordhinayaan dadaallo iskaashi. Wasiirka ayaa sheegay in UK ay ka go’an tahay horumarinta xasiloonida gobolka oo ay ku jirto tan Soomaaliya. The Defence Minister @Amohamednur has on Wednesday met with #UK ambassador to Somalia @KFosterFCDO and discussed security cooperation between the two countrie...

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Safiirka JFS ee dalka Masar ayaa la kulmay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira.

Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta magaalada Qaahira ayaa kulan la qaatay Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif, Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta Qaahira, isagoo kala hadlay arrimooyin dhowr ah. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Soomaaliya siiso xaruntan oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dawlada, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada ay qabato Xarunta Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hormar waara. wuxuuna ku ammaanay Masar sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayso dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.

Privacy Policy