Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika oo ku Kulmay Jigjiga: Isbahaysi Cusub iyo Horumar Wadajir

  Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa saaka martigelisay kulan taariikhi ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha saddex dal oo saameyn weyn ku leh Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa si diiran Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-Waal ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Booqashadan oo ku timid martiqaad rasmi ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya waddamadan deriska ah. Mashaariicda Horumarinta iyo Bilicda Magaalada Jigjiga Ujeeddada ugu weyn ee kulankan ayaa lagu sheegay inay tahay ka qaybgalka munaasabado xarig-jar ah oo loogu talagalay mashaariic horumarineed oo laga fuliyay deegaanka. Madaxda ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dalxiiska weyn ee Shabeely Resort , kaas oo ah mashruuc ballaaran oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo dalxiiska iyo is dhex-galka dhaqaalaha ee gobol...

Hay’ad gargaar ayaa sheegtay in abaarta Bariga Afrika ay dili doonto hal qof 36-kii ilbiriqsi kasta.

Hay’ad gargaar ayaa sheegtay in abaarta Bariga Afrika ay dili doonto hal qof 36-kii ilbiriqsi kasta.
Hay’ad samafal oo caalami ah ayaa Jimcihii ka digtay in inta u dhaxaysa hadda iyo dhammaadka sannadka, ay suurtogal tahay in 36 ilbiriqsi kasta hal qof uu gaajo ugu dhiman doono bariga Afrika ee ay abaaruhu ku dhufteen, iyadoo meelaha ugu daran ee ay abaartu ku dhufatay ay u socdaan macaluul.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Oxfam International, arrimuhu si degdeg ah ayay uga sii xumaanayaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. “Macaluultii 2011-kii oo sababtay dhimashada in ka badan rubuc milyan qof, waxay kor u dhaaftay tirada dadka Soomaaliyeed ee haatan la ildaran gaajo daran, sida qoraalka lagu sheegay, lixdii qofba hal qof. Soomaalida ayaa hadda la ildaran gaajo aad u daran.

Sababo la xiriira isbedelka cimilada oo baabi’iyay dalagyadii beeraha, xoola dhaqatadana ku qasbay in ay ka tagaan hab-nololeedkoodii caadiga ahaa, “Deegaannada waaweyn ee gobolka waxaa ka da’ay afar xilli roobaad, iyadoo la saadaalinayo in uu kan shanaad dhici doono saddexda bilood ee soo socda,” ayaa la yiri. Sida laga soo xigtay Oxfam, qalalaasaha ayaa meelo badan uga sii daray dagaallada, saameynta COVID-19, iyo sare u kaca qiimaha cuntada, kuwaas oo qayb ahaan ka dhashay iskahorimaadka Ukraine.

Bayaanka ay soo saartay Oxfam ayaa intaa ku dartay in cadeymaha “ay muujinayaan in heerka dadka ku nool Soomaaliya, Itoobiya iyoKenya ay gaajo ugu dhimanayaan ay ka sii dartay tan iyo bishii May, markaasoo la xisaabiyay in qof uu dhimanayo 48-dii ilbiriqsiba iyo dib u dhac halis ah oo ku yimid qeybinta cuntada malaayiin qof qarka u saaran macaluul”.

Sida warbixinta lagu sheegay, ilaa 6 milyan oo dhallinyaro ah oo ku nool afarta waddan ee Bariga Afrika ayaa midkoodna ay hayso nafaqo-xumo ba'an ama ay hadda la il daran tahay.

QM ayaa bishii hore saadaalisay macaluul ka dhici doonta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, halkaasoo hadda xarunta maamulka ee Baydhabo ay ku sugan yihiin ku dhawaad ​​hal milyan oo qof oo cusub oo ka soo barakacay abaarta si ay cunto iyo biyo u helaan. Dowladda Soomaaliya ayaa abaarta u aragtay "xaalad qaran" dabayaaqadii 2021-ka.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Soomaaliya oo Wajahaysa Caqabado Dhaqaale ka dib Dhimistii Deeqaha Mareykanka

  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku jirta xilli xasaasi ah oo ay isku dayeyso inay la qabsato culeysyo dhaqaale oo soo kordhay ka dib markii ay dowladda Mareykanka go'aan ku gaartay inay dhimis iyo hakad ku sameyso kaalmooyinkii muhiimka ahaa ee ay siin jirtay dalka. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar oo loo yaqaanno Cali Balcad, ayaa xaqiijiyay in isbeddelkan uu saameyn muuqata ku yeeshay hannaanka dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed, balse waxa uu adkeeyay in Soomaaliya ay hadda ku jirto geedi-socod ay kula qabsanayso xaqiiqadan cusub ee dhalatay. Sababaha ka dambeeya go’aanka Mareykanka Go’aanka ka soo baxay Washington ee lagu dhimay deeqaha ayaa yimid ka dib markii Mareykanku uu dib-u-eegis ballaaran ku sameeyay barnaamijyada kaalmooyinka ee uu siiyo dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada ay colaaduhu ka jiraan. Sababaha keenay hakadkan ayaa sidoo kale loola xiriiriyay walaac ay dowladda Mareykanka ka muujisay qaabka loo maare...

Xiritaanka Shabakadda Argagixisada ee Muslim Brotherhood ee Jordan: Shabakad Xagjirnimo oo la Amaanay

  Hordhac: Markii ugu dambeysay ee Jordan ay ku dhawaaqday inay qabatay 16 qof oo ku xiran Muslim Brotherhood, koox muddo dheer loo arkayay inay tahay urur siyaasadeed oo u dagaallamaya isbeddel iyo ka qaybgal siyaasadeed, waxay mar kale iftiimisay dhabta ah ee ururka. Hawlgalkan cusub wuxuu muujinayaa inay Muslim Brotherhood tahay urur aan ahayn mid ku saleysan siyaasad kaliya, balse yahay shabakad xagjirnimo oo qorsheysan. Hawlgallada iyo Qabashada: Sida ay sheegtay dowladda Jordan, dadka la qabtay waxay ka mid ahaayeen Muslim Brotherhood, waxaana lagu tababaray lana maalgeliyay Lubnaan. Kooxdan ayaa qorsheynaysay in ay weerar ku qaaddo meelo kala duwan oo ku yaal gudaha Jordan, iyadoo isticmaaleysay gantaalo iyo drones, qaar ka mid ah gantaalaha ayaa diyaar u ahaa in la rido. Ciidamada amaanka waxay la socdeen hawlgalkan tan iyo sanadka 2021, taasoo muujinaysa sida shabakadan u ahayd mid firfircoon muddo dheer oo si qarsoodi ah uga shaqeyneysay gudaha Jordan. Hogaamiyaha kooxda,...

Maxay Madaxbannaanida Koonfurta Yemen muhiim ugu tahay Nabad dhab ah?

  Doodaha ku saabsan mustaqbalka Yemen waxaa inta badan lagu soo koobaa xabbad-joojin, dawlado kumeel-gaar ah, ama qaabab awood-qaybsi oo dibadda laga soo hindisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal arrin oo mar walba la dhinac maro inkasta oo ay udub-dhexaad u tahay muddada uu dagaalku siday: waa maqaamka siyaasadeed ee aan weli la xallin ee Koonfurta Yemen. Taariikhda iyo Midowgii Fashilmay Koonfurta Yemen waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo caalamku aqoonsan yahay ilaa sannadkii 1990-kii, waxaana loo yaqaannay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ee Yemen (PDRY). Waxay lahayd xuduudo go’an, hay’ado dawladeed, iyo xubinimo Qaramada Midoobay ah. Heshiiskii midowga ee lala galay Waqooyiga Yemen waxaa loo soo bandhigay inuu yahay iskaashi dhex maray laba dhinac oo siman oo si mutaddawacnimo ah isugu biiray. Laakiin xaqiiqadii, midowgaas si dhakhso ah ayuu u burburay, wuxuuna horseeday dagaalkii 1994-tii iyo in si nidaamsan loo gacan-bidheeyo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ee da...

Dadaalka Dib loogu Bilaabayo Gargaarka Cunnada ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyadda ay Qaadatay Dowladda Federaalka

  Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday go’aan muhiim ah oo dib loogu furayo gargaarkii cunnada ee Hay’adda Cunnooyinka Adduunka (WFP) ay ka fulin jirtay Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu hakad ku yimid qaybinta gargaarka toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo ka dhalatay muran ka dhashay burburinta bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho iyo raashin halkaas lagu keydinayay oo la waayay. Go’aankan cusub ayaa rajo weyn u galinaya malaayiin Soomaali ah oo wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, isagoo muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca bini’aadantinimada. Aqoonsiga Khaladaadka iyo Tallaabooyinka Sixitaanka ee ay Qaaday Dowladda Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay mas’uuliyadda buuxda ee dhacdadii sababtay hakadka gargaarka, iyadoo muujisay qoomamo ku aadan sidii ay wax u dhaceen. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan agabkii gargaarka ee laga raray bakhaarkii hore dib loo soo celi...

Privacy Policy