C/salaan Cumar Hadliye ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee arrimahan u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada ururka Bariga Afrika. Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ergayga gaarka ah waxa uu ku dadaalayaa sidii ay uga mira dhalin lahayd dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto inay ka mid noqoto Ururka BarigaAfrika ee EAC.
Sidan oo kale, dadka Soomaaliyeed waxay ku soo
bandhigi karaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, iyo bulsho ee gobolka iyo sidoo
kale saamaynta weyn ee ay ku yeelan karaan kobaca EAC guud ahaan. C/salaan
Cumar Hadliye oo khibradiisa dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah
ayaa u sahlaysa inuu fuliyo hadafka dowladda Soomaaliya ee ah ka mid noqoshada
ururka Bariga Afrika ee EAC.
Wasiir C/salaan oo horay madax uga soo noqday
hay’ado dhowr ah oo isugu jira kuwa dalka iyo kuwa caalamiga ah, ayaa hadda
noqday guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda
iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
President @HassanSMohamud appoints Dr. Abdusalam Hadliye Omer as the Presidential Special Envoy for the East African Community (EAC). Dr. Abdusalam has in the past served Somalia as the Minister of Foreign Affairs, the Former Central Bank Governor, among other roles.#Somalia pic.twitter.com/fv9t1d6HVh
— SNTV News (@sntvnews1) August 14, 2022
Comments
Post a Comment