Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay 70 milyan oo doolar si kor loogu qaado adeegyada.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay 70 milyan oo doolar si kor loogu qaado adeegyada.
Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, deeq ka timid Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo ku kacaya 70 milyan oo doollar ayaa loo oggolaaday in loo abuuro adeegyo biyo celin ah, beero iyo deegaan oo loogu talagalay dadka reer miyiga ah ee ku nool dhulka engegan ee Soomaaliya.

Hindisaha “Barwaaqo” oo lagu dhisayo mashruuca Biyoole loona yaqaano “Mashruuca u adkeysiga biyaha Miyiga Soomaaliya” ayaa la bilaabay xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay la tacaaleyso abaaro xilliyo badan soo jiitamayay oo aan horay loo arag, isla markaana ay sare u sii kacayso cunto yarida.

Chantal Richey, oo ah Khabiir sare oo ku takhasusay Biyo-bixinta iyo Fayadhowrka ee Bangiga Adduunka, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ku dari doono istaraatiijiyad lagu dhimayo saameynta isbeddelka cimilada iyo la qabsiga iyaga iyo sidoo kale taageeridda hagaajinta maamulka kheyraadka dabiiciga ah. War qoraal ah oo la sii daayay habeenimadii Khamiista, Richey ayaa lagu soo xigtay isagoo leh, "Tani waxaa ka mid ah ururinta iyo kaydinta biyaha, ilaalinta ciidda, dhirta, iyo dib u soo celinta dhul daaqsimeedka agagaarka ilaha biyaha si tartiib tartiib ah" cagaar ah" dhul engegan.

Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, mashruucan wuxuu kordhin doonaa adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo KoonfurGalbeed iyadoo sidoo kale lagu ballaarin doono laba dowladood oo dheeri ah oo xubin ka ah federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeelle iyo Jubbaland, iyadoo mashruucan uu xoogga saari doono deegaannada ka fog Shabeellooyinka iyo Fatahaadaha webiyada Jubba.

Sida warbixintu sheegtay, mashruucani waxa uu biyo gaarsiin doonaa 500,000 oo qof, oo u dhiganta 15% dadka reer miyiga ah, kuwaas oo wakhtigan helaya oo kaliya waxyaabaha aasaasiga ah iyo biyaha aan la hagaajin. Iyadoo kor loo qaadayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka engegan, Kristina Svensson, oo ah maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka caawiyo bulshooyinka horumarinta adkeysiga iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Sida uu sheegay Bankiga Adduunka, arrimaha deegaanka ayaa ka qeyb qaatay nabaad guurka in ka badan rubuc ka mid ah gayiga Soomaaliya muddo ka dib, waxaana barbar socda xaalufinta dhirta iyo carro la’aanta, waxaa khatar ku jira nolosha reer miyiga.

Waxa la sheegay in arrimahan oo ay abaaruhu barbar socdaan ay sidoo kale dadka xoolo-dhaqatada ah ku waayaan xoolihii ay dhaqan jireen, kuwaas oo ah isha koowaad ee ay ka helaan dhaqaalaha, sidoo kalena ay ka soo go’aan wax soo saarka beeraha, isla markaana ah cuntada koowaad ee ay helaan.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy