Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya, ayaa kulan gaar ah la qaatay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Salmaan Bin Maxamed, ahna Ra’iisal Wasaaraha Sacuudi Arabi. Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa dib u eegis lagu sameeyay kulan dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Amiir Maxamed Bin Salmaan, Dhaxal-sugaha
Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa ballan qaaday inuu taageero u fidin doono
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si ay wax uga qabato arrimaha amniga
joogtada ah ee dalka iyo abaaraha daran.
PHOTOS: President Hassan Sheikh Mohamud meets Crown Prince and Prime Minister of Saudi Arabia,Mohamed Bin Salman in Riyadh.
— Arlaadi Media (@ArlaadiMnetwork) December 11, 2022
The president went to Saudi Arabia to attend China-Arab summit. pic.twitter.com/ODMwLpQr8D
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku
wehliyey mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac iyo sidoo kale Safiirrada Soomaaliya
u fadhiya Sacuudiga iyo Masar, Saalim Macow Xaaji iyo Ilyaas Sheekh Cumar
Abuubakar.
Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar
ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, halkaasoo uu kaga qeyb galay
shirka Shiinaha iyo Carabta, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay Madax kala
duwan, Amiiro iyo Boqorada dalalka Carabta. Intii uu safarkan ku jiray, waxa uu
Madaxweynuhu ka qayb galay shirkii Shiinaha iyo Carabta.
Comments
Post a Comment