Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Maxaa Ka Danbeeya Warbixinnada Isku Dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga?

  Maxaa ka danbeeya warbixinnada isku dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga? Madaxweynihii xilkiisu dhacay Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyihii xilkiisu dhacay ee Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhowr wasiir oo federaal ah ayaa bixiyay bayaanno si dhow isugu dhow oo difaacaya Turkiga bishan, sida uu sheegay warbixin uu soo saaray Garowe Online . Bayaannadu waxay canaanteen dadka dhaleeceeya doorka Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo isticmaalay af isku eg oo ka soo baxay xafiisyo kala duwan. Bayaannadan waxaa ka horreeyay mudaaharaadyo iyo gubidda calanka Turkiga oo ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Mudaaharaadyadu waxay qarxeen ka dib eedeymo ah in diyaaradaha aan duulista lahayn ee Turkiga ay ku lug lahaayeen weerarro ka dhacay Doolow iyo meelo kale. Dhacdadii Doolow waxay ku wareegtay guriga taliyihii hore ee Ciidanka Dhowrsoonta Soomaaliyeed, Janaral Maxamed Cabdiraxmaan Shub. Maamulka Jubbaland waxay sheegeen in [laba ...

Kifaaya ama “enough is enough”: Shacabka Soomaaliyeed oo u kacey iska xoreyta Al-Shabaab.

Mudaxaraad loogu soo horjeedo  Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku boorriyay shacabka caamka ah inay gacan ka geystaan ​​sidii looga saari lahaa ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin dhiqlaha dalka Soomaliya. Mudaaharaad looga soo horjeedo kooxaha xagjirka ah ee ku xiran Al-Qaacida oo ay dowladdu soo abaabushay laguna qabtay garoon ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, Madaxweynaha ayaa la hadlayay dadweyne aad u fara badan.

Madaxweynaha ayaa yiir “Dadka Soomaaliya waxey taagan yihiin meel yiraahdo kifaaya ama “enough is enough” waa ay ka daaleen xasuuq iyo dil marka waxey joogaan in ay yiraahdaan "bes" waa ay nagu filan tahay intaas” Dibadbaxayaasha ayaa watay calamo iyo boorar ay ku xardhan yihiin qoraallo ka dhan ah Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddo 15 sano ah waxa ay dagaallo ba’an kula jirtay dowladda dhexe ee taagta daran oo beesha caalamka taageerto, iyagoo (Khawaarijta) weeraro ka geystay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay u soo direen ciidamo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah.

Shacabka ayaa ka dheregsan dil, xasuuq iyo gabood fallo kale, waxayna hadda Al-Shabaab u sheegayaan “enough is enough” in intaas ay ku filan tahay oo markale lagu sameynin. Wax yar ka dib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sannadkii hore, madaxweynuhu waxa uu wacad ku maray in uu "si buuxda" uga qaadi doono dagaalo ka dhan ah khawaarijta.

Howlgalka oo ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa ciidamada iyo maleeshiyo beeleedyada deegaanka waxa ay dhawaan dib uga soo ceshadeen dhul badan oo ku yaalla bartamaha dalka. Laakin inkastoo weerardadaas ay dhacayaan, khawaarijtu waxay si joogto ah uga jawaabeen weeraro arxan darro ah, iyagoo u muujinaya awooddooda shacabka u nugul dhibaatada iyagoo ka dilaayo xoolaxooda oo baad ka qaadayo. Sido kale waxey qaraxyo la beegsadaan magaalooyinka qaar iyo fariisimaha ciidamada.

Al-Shabaab ayaa weli haysata qaar ka mid ah miyiga gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya inkastoo laga saaray gobolada qaar sida Xiiraan iyo Mogadishu iyo magaalooyin kale oo muhiim u ahaa in ka badan toban sano ka hor.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Maxaa Ka Danbeeya Warbixinnada Isku Dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga?

  Maxaa ka danbeeya warbixinnada isku dhafan ee Soomaaliya iyo Turkiga? Madaxweynihii xilkiisu dhacay Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyihii xilkiisu dhacay ee Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhowr wasiir oo federaal ah ayaa bixiyay bayaanno si dhow isugu dhow oo difaacaya Turkiga bishan, sida uu sheegay warbixin uu soo saaray Garowe Online . Bayaannadu waxay canaanteen dadka dhaleeceeya doorka Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo isticmaalay af isku eg oo ka soo baxay xafiisyo kala duwan. Bayaannadan waxaa ka horreeyay mudaaharaadyo iyo gubidda calanka Turkiga oo ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Mudaaharaadyadu waxay qarxeen ka dib eedeymo ah in diyaaradaha aan duulista lahayn ee Turkiga ay ku lug lahaayeen weerarro ka dhacay Doolow iyo meelo kale. Dhacdadii Doolow waxay ku wareegtay guriga taliyihii hore ee Ciidanka Dhowrsoonta Soomaaliyeed, Janaral Maxamed Cabdiraxmaan Shub. Maamulka Jubbaland waxay sheegeen in [laba ...

Khilaafka Koonfur-galbeed Soomaaliya

  Khilaafka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo Khatar ugu jira inuu isu beddelo Dagaal Beeleed Is-mariwaaga siyaasadeed iyo milatari ee ka jira Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal beeleed oo muddo dheer socda. Mashruuca Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED) ayaa ka digay in iska horimaadka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga mucaaradka uu khalkhal gelin karo gobolka Bay haddii aan xal loo helin. Warbixinta Somali Guardian 78 Iska Horimaad oo ka Dhacay Gobolka Bay Sida ay sheegtay ACLED, ciidamada federaalka iyo dagaalyahanno daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku lug yeeshay ugu yaraan 78 iska horimaad oo hubeysan gobolka Bay intii u dhaxaysay 2-dii Febraayo iyo 28-kii Agoosto. Dagaalladu waxay si weyn ugu urureen degmada Baydhabo, taas oo ka dhigtay magaalada iyo deegaannadeeda meel muhiim u ah xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya. Falanqaynt...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaaya ayaa dilay in ka badan 100 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda, dadka deegaanka iyo ciidamada qaranka ayaa iska kaashaday in in ka badan 20 gobol oo ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed laga xoreeyay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab iyadoo sidoo kale laga dilay in ka badan 100 maleeshiyo ah. hogaamiyayaasha argagixisada, sidoo kale. Markii shacabka ku dhaqan deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka joogtada ah ee dilalka iyo tacadiyada kale ee ay ururada argagixisadu u geysanayaan bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi iyagoo soo abaabulaya weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan deegaanadaasi iyo kuwa ku dhimanaya, ayaa waxaa ka dhashay kacdoon dadweyne iyadoo la kaashanayo dowladda. Over 100 #Alshabab terrorists were killed in operations carried out by Somali National Army with support of regional security forces and local communities in #Galmudug , #Hirshabelle & #Southwest States, per statement by the federal government....

Sida uu sheegay Safiirka Mareykanka, Al-Shabaab waxay lumisay saddex meelood meel dhulkooda.

Howlgallada milateri ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in saddex meelood meel dhulkooda ay ku waayeen maleeshiyada. Sida uu ku sheegay Larry André email uu u diray VOA Somali, "Weerarada ay Somalidu hogaaminayso waxay dib ugu soo celiyeen madax banaanida Soomaaliya 1/3 dhulkii ay horay u maamuli jireen al-Shabaab." Waa in la joojiyaa xukun-ku-taagga al-Shabaab si ay Soomaaliya si buuxda uga soo kabsato. Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo bishii January waxa ay hub siineysay ciidamada qaranka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Danab, oo af-Soomaaliga macneheedu yahay “Biriqda”, waa guuto ciidan oo heersare ah, kuwaas oo hoggaaminayay duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana sidoo kale tababaray dowladda Mareykanka. Todobaadkan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay waxyeelo ba’an gaarsiiyeen ur...

Privacy Policy