Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay miisaaniyada 2023 ee Soomaaliya oo dhan $967.7 milyan iyo heshiisyada difaaca ee dalalka Sudan iyo Uganda.
Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka oo dhan $967.7 milyan ayaa talladadan lagu ansixiyay golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Miisaaniyadda ayaa ka duwan miisaaniyada sanadka 2022-ka, sida uu sheegay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Miisaaniyadda 2023-ka ay si
weyn xoogga u saari doonto kor u qaadista dakhliga gudaha, isagoo xusay in la
filayo inay kor u kacdo halka markii hore ahayd 247 Milyan oo Doollarka
Mareykanka ah, lagana dhigi doono $283.3 Milyan.
Maamulka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in lagu
horumariyo adeegyada daryeelka bulshada Miisaaniyadda 2023-ka oo loo qoondeeyay
31.1% Miisaaniyadda guud iyo 20% difaaca iyo amniga. Si kastaba ha ahaatee,
Miisaaniyadda ayaa la horgeynayaa si ay u ansixiyaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale, goluhu wuxuu ansixiyay heshiisyada
difaaca ee ay horgeysay wasaaradda gaashaandhigga ee ku saabsan iskaashiga
gaashaandhigga. Heshiisyadaas oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo
Uganda iyo sidoo kale Soomaaliya iyo Suudaan. Heshiisyadaas oo ahaa kuwo
waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
The cabinet endorsed $967.7 million for 2023 budget in a meeting chaired by Prime Minister @HamzaAbdiBarre on Tuesday evening. The cabinet also approved the defence agreements that #Somalia signed with #Sudan and #Uganda.#Somalia pic.twitter.com/UWLtuFP5Z5
— SNTV News (@sntvnews1) November 15, 2022
Comments
Post a Comment