Si loo doorto 3,000 oo macalin oo ka howlgala wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in imtixaan laga qaadayo 8,000 oo macalin.
Faarax Sheekh Cabduqaadir Wasiirka Waxbarashada
Soomaaliya ayaa sheegay in 8,000 oo macalin ay maanta imtixaanka u fariisteen
22 goobood oo ka kala tirsan 11 magaalo, iyadoo Muqdisho iyo magaalooyinka kale
ee gobolka ay hormuud ka ahaayeen. Sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha
Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, dowladdu waxay ku dadaalaysaa sidii kor loogu
qaadi lahaa fursadaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed. Today, H.E. @SomaliPM @HamzaAbdiBarre launched with me the @moechesomalia historical examination in which 8,000 candidates are competing for 3,000 teaching positions. The exams took place in 22 centres spread over 11 cities in #Somalia, including the capital Mogadishu. pic.twitter.com/jB9bEWyCft
“Waa lagama maarmaan in dowlada adeeg siiso shacabkeeda,
dowladdu waxay qaadaa canshuur, canshuurtaas dadku waa iney ku noqotaa iyada oo
adeeg ah, sida adeeg amni, adeeg Waxbarasho iyo adeeg Caafimaad, tana waa
adeega waxbarashada oo aan bilownay ilaahey idinkiis, xukuumadda Dan-qaran
waxay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed
dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo saddex milyan oo carruur
Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da'dii waxbarasho” ayuu yiri Raysal Wasaare
Xamse Cabdi Barre.
Intaa waxaa dheer, sida uu sheegay Xamse Cabdi
Barre, macallimiinta Soomaaliyeed ayaa mas'uul ka noqon doona tayada
waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
“Waa maalin ku cusub ummadda Soomaaliyeed in 3 kun
oo macallin la qaadanayo si caddaalad ah, waxaana la siin doonnaa mushaar
mas’uuliyad ka fuuleysa oo ah in laga bixinayo canshuur laga soo qaaday hooyo
Soomaaliyeed ee bannaanka la fadhiso yaanyada iyo dhowrka xabo ee muuska ah”
ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Si loogu adeego ubadka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul
Wasaare Xamse Cabdi Barre kula dar daarmay dadka Soomaaliyeed ee hadda ku nool
goobaha waxbarashada ee dalka in ay isaga baxaan, waxa uuna faray laamaha
amniga iyo wasaaradda waxbarashada in ay iska kaashadaan soo celinta
xarumahaasi.
Comments
Post a Comment