Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Alshabaab oo laga diley 42 iyo weerarki ay guriyaha Muqdisho ay ku soo qaadey oo la soo afjaray.

Alshabaab oo laga diley 42 iyo weerarki ay guriyaha Muqdisho ay ku soo qaadey oo la soo afjaray.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa 42 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay koonfurta Soomaaliya iyo weeraradii la soo gabagabeeyay ee lagu qaadey guri ku yaala Muqdisho.

42 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay howlgal subaxnimadii hore ee Talaadada ka dhacay degmada Mahadaay ee koonfurta Soomaaliya, iyadoo loo mahad celinayo taageerada ay ka heleen ciidamada gudaha iyo kuwa shisheeye, sida ay sheegeen ciidamada dowladda Soomaaliya (SNA).

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in habeen hore ay Ciidamadu dileen 27 maleeshiyo ah, halka 15 kalena ay ka dileen subaxnimadii Talaadada. Ciidamada Milatariga ayaa la sheegay in howlgalka oo socday muddo 30-saac ah ay ka heleen goob ay isku qarinaayeen Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada. Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli labo maalmood ka hor uu gobolka Hiiraan ee isla dowlad goboleedka Hirshabeelle ka dhacay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada XDS iyo kuwa Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay ka saareen dhowr goobood oo ay horay ugu sugnaayeen, kuwaasi oo muddo sanado ah ay gacanta ku hayeen.

Sido kale isla maant Degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab oo weerar ku qaaday guri uu degan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga. Gurigan oo ay sidoo kale degan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Macawiisley oo dhawaan ku waxyeeloobay duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Hiiraan.

Hawlgalkan sida la ay dowladda shaacisey soo gabagaboobey kadib marki ay lagu diley 4 qof argigixisada ka mid ah oo ayna ku shahiideen 10 qof oo shacab ah. Kooxdu waligeed hore uma dhicin guri la deggan yahay; Horey waxa ay weeraro ugu qaaday hoteelo iyo dhismayaal dawladeed.

Bayaan ay dowladda ay soo dhigtey bogeeda Twitter-ka ee Somali National Tv (NTV) ayaa lagu yiri “Talaadadii, ciidamada ammaanku waxay soo afjareen hawlgal ka dhan ah argagixisada kooxda Alshabaab oo jabsaday dhisme ku yaal xaafadda Cabdicasiis ee Muqdisho. 10 qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday weerar ismiidaamin ah oo ay argagixisadu la beegsadeen dhismaha, waxaana ciidamada ay dileen 4 ka mid ah argagixisada weerarka soo qaaday.”

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy