Baaritaan ayaa la bilaabay, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii mid ka mid ah askartooda la sheegay in Jimcihii uu qof rayid ah ku dilay magaalada Muqdisho. Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa ku lug lahaa "shilkaas toogashada ah", sida lagu sheegay war kasoo baxay ATMIS, kaasoo ka dhacay meel ku dhow isgoyska Ceelgaabta ee koonfurta Muqdisho.
“Qof aan magaciisa la shaacin ayaa ku tuuray qalab
uu ka shakiyay mid ka mid ah baabuurta ATMIS-ka, taasoo keentay in shilkan
dhaco, markii dambe ninkaasi oo isku dayay inuu fuulo gaariga, ayaa waxaa ka
jawaabay askar ka tirsan ATMIS-ta oo la socotay.
WAR-SAXAAFADEED: #Bayaanka #ATMIS ee ku saabsan falkii sida qotada dheer looga xumaaday ee shalay.
— ATMIS (@ATMIS_Somalia) February 4, 2023
Hoos ka akhri farriinta oo dhamaystiran. pic.twitter.com/afjKBv9sr6
Sida laga soo xigtay ATMIS, dowladda federaalka ah ee
Soomaaliya ayaa lagu wargelin doonaa natiijada baaritaanka. War-saxaafadeedka
ayaa lagu yiri “ATMIS waxay wacad ku martay inay ilaalinayso nolosha rayidka,
waxay sii wadi doontaa ilaalinta iyo ixtiraamka dhammaan xuquuqda muwaadiniinta
Soomaaliyeed sida ku cad waajibaadkeeda, waxayna ka taageeri doontaa DFS sidii
loo heli lahaa Soomaaliya nabad iyo xasilloon.
Si loo cambaareeyo falka dilka ah, tobanaan qof ayaa
isugu soo baxay waddooyinka, kuwaasi oo isgoysyada Ceelgaabta ku xiray taayiro
la gubay iyo burbur kale. Inkastoo shacabka ay ka codsadeen dowladda inay
baaritaan ku sameyso sida ay wax u dhaceen, haddana dowladda Federaalka
Soomaaliya way ka aamustay.
Comments
Post a Comment