Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku guuleystay kursi Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.
C/raxmaan ayaa waxaa ku wehlisay Naciimo Xuseen Cali oo ah siyaasiyad aan hore loo aqoon, waxayna ku biirtay tartanka doorashada. Naciimo Xuseen Cali ayaa markii dambe iska casishay xilkii ay haysay.
Tiro siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay baarlamaanka ee xilka ka degay Saciid Nuur Giriish oo la filayey in ay ku tartamaan kursigan ayaa go’aansaday in aysan doorashada kula tartamin Cabdiraxmaan.
Waxaan u mahad-celinayaa beesha kursiga HOP#138 ku asteysan iyo shacabka Dhuusamareeb masuuliyadda ay ii xusheen iyo xilka ay i saareen. Waa bilawga guusha. pic.twitter.com/TokxiCJ4i2
— Abdirahman Abdishakur (@AAbdishakur) February 14, 2022
Comments
Post a Comment